Maxaad Uga Baahan Tahay Heshiiska Kooxda Man United Ay La Gaadhay Sporting Lisbon.

Maxaad Uga Baahan Tahay Heshiiska Kooxda Man United Ay La Gaadhay Sporting Lisbon.
Maxaad Uga Baahan Tahay Heshiiska Kooxda Man United Ay La Gaadhay Sporting Lisbon.

Manchester United ayaa heshiis la gashay Sporting Lisbon oo ay ka qaadanayso laacibka khadka dhexe ee Bruno Fernandes oo ay muddo dheer daba socotay.

Sporting Lisbon ayaa ogolaatay in ay Bruno Fernandes ku fasaxdo lacag kaash ah oo dhan €55 milyan iyo lacago kale oo dheeraad ah oo ku xidhnaan doona bandhiggiisa, taas oo qiimaha rasmiga ah ee laacibkan ka dhigaysa €68 milyan, laakiin wargeyska Record ee kasoo baxa waddanka Portugal ayaa waxa uu sheegay in qiimaha Bruno Fernandes uu gaadhi doono illaa 80 milyan oo Euro.

Warbaahinta waddanka Ingiriiska ayaa sheegtay in Manchester United ay isku diyaarinayso inay soo gunaanaddo heshiiska mid ka mid ah xiddigaha ay u aragto inay noqon doonaan xoog ka caawiya inay ka baxdo dhibaatada haysata, isla markaana kor ugu soo qaadi kara in kulamada ka hadhay tartanka horyaalka Premier League ay sare ugu soo ruqaansato kaalmaha sare ee Champions League ay ugu soo gudbi karto.

United waxay muddaysay waqtiga uu tijaabada caafimaadka mari doono Fernandes, sida ay wararku sheegayaanna waxa suurtogal ah in maanta oo Arbaca ah uu kubbad sameeyaha reer Portugal gaadho waddanka Ingiriiska oo uu baadhitaanka ku maro ka hor inta aanu ku biirin kooxdiisa cusub ee Manchester United.

Dhinaca kale, laacibkan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in horyaalka uu ugu jecel yahay uu yahay midka Ingiriiska oo uu ka door-bido horyaallada kale sida LaLiga.