Maxaad Kala Socotaa Kooxaha Ka Qayb Gali Doona Tartanka Sonyo Cup Ee Hargeisa Stadium?

Maxaad Kala Socotaa Kooxaha Ka Qayb Gali Doona Tartanka Sonyo Cup Ee Hargeisa Stadium?
Maxaad Kala Socotaa Kooxaha Ka Qayb Gali Doona Tartanka Sonyo Cup Ee Hargeisa Stadium?

Iyadoo Maalinta Beri Oo Isniin ah Subaxnimadeed Hoolka Soonyo Ee Magaalada Hargeysa Lagu Qaban Doono Isku Beega Tartanka Kooxaha Heerka Koowaad Ee Sonyo Cup Dhawaana Ka Bilaaban Doona Hargeysa Stadium Ayaan Halkan Ku Eegi Doona Kooxaha Ka Qayb Gali Doona.

Caasimada Hargeysa Waxaa Ka Jira Toban Kooxood Oo Heerka Koowaad ah Kuwaasi Oo Hoos Taga Wasaarada Ciyaaraha Dalka Waxaana Tobankan Kooxood Yihiin Kuwo u Badan Haayadaha Dowlada Sida Ciidamada, Wasaaradaha Iyo Wakaaladaha Qaar.

Kooxaha Dhanka Wasaaradaha Ka Tirsan Ayaa Kala ah Wasaarada Caafimaadka, Maaliyada, Ganacsiga, Xanaanada Xoolaha Iyo Qorsheynta.

Kooxaha Kale Ayaa Iyaguna ah Sadexda Ciidanka Booliska, Asluubta Iyo Gaashaan, Waxaana Soo Raaca Kooxda Wakaalada Duulista Iyo Dowlada Hoose Hargeysa.

Maxaad Kala Socotaa Kooxaha Ka Qayb Gali Doona Tartanka Sonyo Cup Ee Hargeisa Stadium?
Maxaad Kala Socotaa Kooxaha Ka Qayb Gali Doona Tartanka Sonyo Cup Ee Hargeisa Stadium?

Koox Heerka Koowaad Oo Koob Kii Ugu Danbeeyey Ku Qaada Hargeysa Stadium Ayaa ah Kooxda Dowlada Hoose Hargeysa Waana Koobkii Isku Dhafka ahaa Ee Telesom Cup Xili Dowlada Hoose Hargeysa Ka Qaaday Koobkaasi Kooxda Ciidanka Asluubta Hargeysa.

Koobkaasi Ayaa Waxaa Ka Qayb 29-Kooxood Oo Iskugu Jira Heerarka Koowaad, Labaad Iyo Sadexaad Waxaana Dhamaantood Ahaayeen Koox Kawada Dhisnaa Caasimada Hargeysa.

Balse Arinku Markaan Wuu Ka Duwan Yahay Waxaana Koobkan Sonyo Cup Ka Qayb Gali Doona Tobanka Kooxood Ee Heerka Koowaad Caasimada Hargeysa Ka Dhisan Waxaana Beri Subaxnimada La Samayn Doonaa Isku Beegooda Adigoo Malcab Kala Socon Doona Siday Iskugu Beegmaan Kooxuhu Insha Allah.

Sidee Iskugu Beegi Lahayd Tobanka Kooxood Ee Heerka Koowaad Hadii Lagu Idhaahdo Isku Beeg Akhriste Mahadsanid.

Waxaa Xusid Mudan In Kooxuhu Doorkan Ay Ka Duwanaan Doonaan Sidoodii Hore Waayo Waxaa Hada Ku Soo Kala Biiray Kooxaha Qaarkood Ciyaartoy Cusub.

01-Rajab-1441 Isniin By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.