Maxaa Laga Filan Karaa Hadii Kooxda Liverpool Loo Diido Hanashada Horyaalka Premier League Waakan Paul Ince Oo Ka Hadlaya?

Maxaa Laga Filan Karaa Hadii Kooxda Liverpool Loo Diido Hanashada Horyaalka Premier League Waakan Paul Ince Oo Ka Hadlaya?
Maxaa Laga Filan Karaa Hadii Kooxda Liverpool Loo Diido Hanashada Horyaalka Premier League Waakan Paul Ince Oo Ka Hadlaya?

Paul Ince ayaa aaminsan in kooxda u sharaxan hanashada horyaalka Premier League ee Jurgen Klopp oo loo diiday koobka horyaalka inay keeni doonto buuq iyo rabshad ay sameeyaan dadka Liverpool.

Waxaa jira baaqyo ku aadan in gabi ahaanba la kansalo xilli ciyaareedka Premier League oo natiijooyinka laga soo qaado kuwa aan waxba ka jirin sababo la xiriira caabuqa Coronavirus.

Laakiin kooxda hogaamineysa Liverpool ayaa qasaaraha ugu weyn uu soo gaari doonaa madaama ay qarka u saaran yihiin inay hantaan horyaalka markii ugu horeysay muddo 30 sannadood ah.

Just how much do fans hate Paul Ince right now - 90xtra

Xiddigii hore ee Liverpool Paul Ince ayaa sheegay in madaxda Premier League ay qasab ku tahay inay ogolaadaan in xilli ciyaareedka la dhameystiro.

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee England Ince ayaa yiri: “Waa xaalad adag sababtoo ah kama farxin kartid qof walba.

“Ma qiyaasi kartaa adigoo 30 sannadood sugayay inaad ku guuleysato horyaalka islamarkaana aad qarka u saraan tahay laga dhigo xilli ciyaareedka wax kama jiraan?

“Buuqa iyo rabshada ay ka sababi karto Liverpool. Miyaan ka careysiinaa hal koox si aan u farxad gelino dadka intiisa kale mise waxaan koobka siinaa Liverpool?

“Waa qasab inaan dhameystirno xilli ciyaareedka wax walba oo dhaca, haddii ay ahaan laheyd bisha May ama Juun, waxaan kaliya ka hadleynaa sagaal kulan.

“Haddii lagu ciyaari lahaa garoomo ay albaabada u xiran yihiin ama haddii kale, qof walba wax walba ayaa miiska u saaran kaliya Liverpool ma ahan.”

Kooxaha Premier League ayaa kulmaya Jimcaha mar kale iyadoo ay u badan tahay inay dheereyn doonaan waqtiga loo qabtay inuu horyaalka soo laabto oo haatan ah 30ka bisha April.