Maxaa Ka Jira In Pierre-Emerick Aubameyang Uu Noqon Doono Badalka Luis Suarez Ee Kooxda Barcelona?

Maxaa Ka Jira In Pierre-Emerick Aubameyang Uu Noqon Doono Badalka Luis Suarez Ee Kooxda Barcelona?
Maxaa Ka Jira In Pierre-Emerick Aubameyang Uu Noqon Doono Badalka Luis Suarez Ee Kooxda Barcelona?

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa noqonaya badalka Luis Suarez ee Barcelona.

Weeraryahanka Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu soo waramayaa in lala xiriirinayo suuqa bishan Janaayo kooxda Barcelona.

Catalan ayaa todobadkii hore ceyrisay Ernesto Valverde xilli lagu badalay Quique Setien, kaas oo guuleystay habeenkii axadda kullankiisii ugu horeeyay.

Setien ayaa mid ka mid ah tijaabooyinka ugu horeeya uu maryo ayaa ah badalka Luis Suarez.

32-sano jirkan caalamiga ah ee wadanka Uruguay ayaa qallin lagu sameeyay lagu ogaaday in uu garoomada ka maqnan doono muddo.

Sida laga soo xiganayo “Mundo Deportivo” Aubameyang ayaa noqday dooqa koowad ee badalka Luis.

Barca ayaa rajeyneysa in xiddiga Gabon adeegiisa ay ka qeyb qaadan karaan saaxibtinimada kala dhaxeysa Samuel Umtiti iyo xiddigii hore ee Borussia Dortmund ay iskala tirsanaayen ee Ousmane Dembele .

Aubameyang ayaa hada kooxdiisa kaga maqan ganaax 3 kulan ah ka dib markii uu qalad ku galay ciyaaryahanka Crystal Palace ee Max Meyer .

30 sano jirkan ayaa 18 bilood uu kaga harsan yahay qandraaskiisa kooxda Arsenal, isagoo diiday in heshiis cusub uu qallinka ugu duugo.

57 gool ayuu dhaliyay 91 kulan oo uu ka soo muuqday kooxda Arsenal horyaalka Preimer Leagea.

Waxaa xusid mudan in macallinkii hore ee Arsenal Unai Emery uu Aubameyang u magacaabay kaptan si uu ugu qanciyo in uu kooxda sii joogo.