Maxaa Ka Jira In Kooxda Liverpool La Soo Wareegayso Thiago Alcantara?

Maxaa Ka Jira In Kooxda Liverpool La Soo Wareegayso Thiago Alcantara?
Maxaa Ka Jira In Kooxda Liverpool La Soo Wareegayso Thiago Alcantara?

Thiago Alcantara ayaa la siiyey waqti dheeraad ah oo fasax ah oo uu kaga sii maqnaan karayo kooxdiisa Bayern Munich, si uu fursad ugu helo inuu go’aan ka gaadho mustaqbalkiisa.

Kubbad-sameeyahan reer Spain ayay doonaysaa Liverpool oo la sheegayo inay ka dhigi doonto beddelka Georginio Winaldum oo la sheegayo inuu ka tegayo xilli lala xidhiidhinayo Barcelona, waxaana tababare Jurgen Klopp uu si weyn u doonayaa in safkiisa uu kusoo kordhiyo Alcantara.

Thiago Alcantara Kian Dekat ke Liverpool - bolaskor.com

Bayern Munich ayaa ka dhur-sugaysa inta uu laacibkani ka gaadhayo laba go’aan oo midkood ay dantoodu ku jirto oo ah inuu ogolaado inuu heshiiskiisa sannadku ka hadhsan yahay u cusboonaysiiyo iyo inuu si cad u go’aamiyo inuu Liverpool ku biiro.

Thiago ayaa waraysi uu dhowaan bixiyey waxa uu ka gaabsaday inuu si cad u sheego inuu ka tegayo Bayern, laakiin waxa tegistiisa markhaati ka ah guriga uu ku leeyahay magaalada Munich oo uu dhowaan shaaciyey inuu iibinayo iyo ciyaartoyda kooxda oo uu sii macasalaameeyey markii ay ku guuleysteen Champions League.

Thiago Alcantara would be a 'dream' signing for Liverpool - Rio  Ferdinand | NewsColony

Sida uu qoray wargeyska Bild ee kasoo baxa waddanak Jarmalka, Bayern Munich ayaa u sheegtay Thiago Alcantara inuu qaato dhawr maalmood oo fasax ah kaddib markii uu dalka Spain u ciyaaray kulamadii Nations League ee toddobaadkan, isla markaana uu waqtigaas ku gaadho go’aan buuxa oo ah inuu tegi doono iyo inuu sii joogayo oo uu qandaraas cusub saxeexayo.

Munich ayaa go’aamin doonta inay iibiso haddii uu Thiago labada doorasho midna samayn waayo, sababtoo ah, waxay ka baqayaan in xagaaga dambe uu si bilaash ah kaga tago marka uu qandaraaskiisu dhamaado.

Report: Liverpool contact Bayern Munich over Thiago Alcantara (Update:  Fabrizio Romano confirms the news) - Bavarian Football Works

Wariyaha Talyaaniga ah ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay yihiin kuwo muhiim ah oo go’aamin doono halka uu Thiago Alcantara ka ciyaari doono xili ciyaareedka dhowaanta bilaabmaya.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa 29 jirkan si weyn u doonaya, waxaanu rumaysan yahay in kubbad haynta iyo baaska qurxoon uu kooxdiisa ka caawin doono, iyagoo damacsan inay miiska saaraan £27 milyan oo Gini oo ay Munich ku xidhay iibkiisa.