Maurico Icardi Ayaa Si Rasmi ah Uguba Biiraya Kooxda Reer Faransiis Ee PSG.

Maurico Icardi Ayaa Si Rasmi ah Uguba Biiraya Kooxda Reer Faransiis Ee PSG.
Maurico Icardi Ayaa Si Rasmi ah Uguba Biiraya Kooxda Reer Faransiis Ee PSG.

Weeraryahanka reer Argentine ee Maurico Icardi ayaa si rasmi ah ugu wareegaya kooxda reer France ee Paris Saint-Germain oo uu xili ciyaareed amaah ah kula joogay xili ciyaareedkan.

Gool-dhaliyahan ayay PSG la gaadhay heshiis rasmi ah sida uu ku warramay telefishanka Sky Sports Italy, kaddib markii ay Inter Milan ogolaatay in xiddigeedan ay ku fasaxdo lacag dhan €57 milyan oo Euro.

PSG oo dhowaan la guddoonsiiyey horyaalka Faransiiska ee Ligue 1 oo la kansalay iyadoo ay kulamo badan ka hadhsan yihiin, ayaa waxay bixin doontaa €50 milyan oo Euro oo kaash ah oo ay u shubayso Inter Milan iyo €7 milyan oo kale oo ku xidhnaan doona bandhig ciyaareedka laacibkan.

Inter Milan ayaa Icardi iskaga dirtay amaah markii uu khilaaf soo kala dhex-galay laacibkan oo ay ka biyo diideen hab-dhaqanka xaaskiisa oo wakiil u ah, waxaana qandaraaska amaahda ah uu ku ekaa May 31 oo noqonaysa Axadda berri ah.

Heshiiska amaahda ah ee ay PSG ku haysatay Icardi ayaa waxa uu siinayay doorasho ah inay si rasmi ah ula wareegi karto haddii ay bandhiggiisa ku qanacdo, waxaana ugu dambayntii ay kooxda reer France go’aansatay inay bixiso lacagta ay Inter ku doonayso.

Tababare Antonio Conte oo aan dul-qaad u lahayn ciyaartoyda uu dabeecaddooda saluugo ayaa waxa uu Icardi ka reebay liiska xiddigihiisa tartanka Champions League uga qayb-gelay xili ciyaareedkan, waxaanay taasi keentay in amaah lagu siiyo PSG.

31 ciyaarood oo dhamaant artamada ah oo uu Icardi u saftay PSG ayuu ugu dhaliyey 20 gool, waxaanu wali haystaa fursad uu isku sii muujiyo maadaama ay kooxdaasi u gudubtay wareegga siddeedda ee tartanka Champions League, sidoo kalena ay u hadhsan yihiin Coupe de France iyo Coupe de la Ligue, halka uu horena isaga oo gurigiisa jooga ugu damaashaaday hanashada horyaalkiisii ugu horreeyey ee Faransiiska ee Ligue 1 oo markii la kansalay PSG loo caleemo-saaray horyaalka sannadka.

Heshiiskan ayaa waxa uu albaabada ka xidhayaa qorshe ay Arsenal rajaynaysay inuu hirgalo oo ahaa in Inter Milan ay is weydaarsadaan Icardi iyo Aubameyang oo gelaya sannadkii ugu dambeeyey ee heshiiskiisa, isla markaana loo badinayo inuu ka tegi doono Emirates marka uu suuqu furmo.

Si kastaba ha ahaatee, PSG waxay heshay weeraryahan gool-dhalinta iyo kubbad-samayntaba ku fiican, isla markaana si wanaagsan ula shaqayn karaya Neymar iyo Kylian Mbappe, si fiicanna u buuxinaya booska Edinson Cavani oo heshiiskiisu ku egyahay dhamaadka bisha dambe, si xor ahna uga bixi doona.