Massimo Moratti Oo Ka Hadlay Warar La Xidhiidha Messi, Ronaldo Iyo Lautaro Martinez?

Massimo Moratti Oo Ka Hadlay Warar La Xidhiidha Messi, Ronaldo Iyo Lautaro Martinez?
Massimo Moratti Oo Ka Hadlay Warar La Xidhiidha Messi, Ronaldo Iyo Lautaro Martinez?

Madaxweynihii hore ee kooxda Inter Milan ee Massimo Moratti ayaa ka hadlay suurogalnimada ay xiddigaha ugu wanaagsan kubadda cagta caalamka ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi markale si waji ka waji ah ugu wada dagaalami karaan hal horyaal.

Ronaldo ayaa suuqii xagaaga ee 2018 markale sameeyay koox bedelasho isagoo iska xaadiriyay dhinaca horyaalka Talyaaniga isla markaana ku biiray kooxda Juventus taas oo dhalisay in Messi lala xidhiidhiyo horyaalkaas.

Massimo Moratti oo aan ku cusbayn arrimaha noocan oo kale ah isla markaana ahaa shaqsigii Ronaldo Nazario kasoo kaxeeyay Barcelona ee geeyay Inter Milan ayaa aaminsan in keenista Messi aysan ahayn riyo mamnuuc ah.

“Uma malaynayo inay tahay riyo mamnuuc ah gabi ahaanba, Malaha xitaa may ahayd kahor nasiib daradan (Dhibaatada Coronavirus), Messi waxa uu ku jiraa dhammaadka qandaraaskiisa waxaana hubaal la isku dayi doonaa in guriga la keeno” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay madaxweyne hore Massimo Moratti.

“Ma garanayo haddii xaaladani ay wax bedeli doonto laakiin waxaan filayaa inaynu arki doono waxyaabo qariib ah dhammaadka sanadkan”

Dhinaca kale madaxweyne hore Moratti ayaa sheegay hadal inta badan dunida yaab ku noqonaya kaddib markii uu ka dhawaajiyay in xiddiga ay Barca ka doonayso Inter ee Lautaro Martinez iyo Messi ay labada kooxood isku bedelan karaan.

Massimo Moratti oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Isagu waa ciyaartoy aad u wanaagsan, Waxa uu daneeyaa waayihiisa ciyaareed, Laakiin sidii aan hore u idhi, waa inaynu eegno haddii uu qayb ka yahay hawl-galka ciyaartoy waaweyn sida Messi”