Home LA LIGA

Martin Ortega Oo Isna Laga Helay Xanuunka Coronavirus Xili Saaxadii Kubadu Maalinba Qof Laga Helaayo Xanuunkan?

Martin Ortega Oo Isna Laga Helay Xanuunka Coronavirus Xili Saaxadii Kubadu Maalinba Qof Laga Helaayo Xanuunkan?

Dunida oo dhan waxay ku mashquulsan tahay xanuunka sida xawli ah u faafaya ee Coronavirus oo hadda faro-baas ku haya qaaradda Yurub iyo qaar ka mid dalalka Asia, waxaanu gebi ahaanba joojiyey isku-socodka dalalka qaarkood, kulamadii dadweynaha iyo ciyaarihii kala duwanaa.

Waddanka Talyaaniga ayaa ah kan uu dhibaatada ugu weyn u geystay qaaradda Yurub, waxaana ku xiga Germany iyo Spain, laakiin dalalka qaarkood inkasta oo aanu dad badan ku dhicin haddana waxa ay galeen go’doon dhinaca kulanka bulshada ah.

Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaaa waxa uu xalay go’aamiyey in ay joojiyeen tartamada Champions League iyo Europa League oo UEFA ay maamusho, si loo yareeyo faafidda xanuunkan.

Hore waxa loo shaaciyey dhawr qof oo uu ku dhacay oo ay ku jiraan ciyaartooyo, tababareyaal sida Mikel Arteta iyo mulkiileyaal kooxood, waxaana halkaas kasii socda wararka murugada leh ee la xidhiidhka caabuqan.

Kooxda kubadda cagta Leganes ee ka ciyaarta horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa shaacisay in karantiil gelisay qayb dhan oo kooxdeeda ka tirsan kaddib markii ay ogaatay in Agaasimaheeda guud oo lagu magacaabo Martin Ortega uu qabo xanuunkan.

Kooxdu waxay sheegtay in dhamaan dadkii kulanka la yeeshay Ortega, in ay go’doon noqon doonaan, waxaana ku jira dhamaan ciyaaryahannada kooxda koowaad iyo shaqaalaha tababarka.

Xaaladda Ortega ayaa la sheegay inay hadda fiican tahay oo uu qaatay dhamaan daawooyinkii uu kusoo kaban lahaa, loona ogolaaday inuu gurigiisa ku laabto Jimcihii, halkaas oo uu isagu isku karantiili doono.