Markaad Xogtan Akhriso Miyaad Dennis Bergkamp u Aragtaa Saxiixii Abid Ugu Fiicnaa Ee ay Arsenal Samaysay?

Markaad Xogtan Akhriso Miyaad Dennis Bergkamp u Aragtaa Saxiixii Abid Ugu Fiicnaa Ee ay Arsenal Samaysay?
Markaad Xogtan Akhriso Miyaad Dennis Bergkamp u Aragtaa Saxiixii Abid Ugu Fiicnaa Ee ay Arsenal Samaysay?

Halyayga Arsenal ee Ian Wright ayaa soo doortay saxiixii taariikhda kooxdiisii hore ee Gunners ugu fiicnaa laakiin dad badan ayuu go’aanka Ian Wright ku noqon karaa mid lama filaan ah.

Ian Wright ayaa saxiixii ugu fiicnaa ee ay Arsenal waligeed samaysay u doortay Dennis Bergkamp isaga oo iska indhotiray Thierry Henry oo loo arko xidigii ajnabiga ahaa ee taariikhda kubbada cagta England ugu fiicnaa.

Halyayga reer Holland ee Dennis Bergkamp oo hadda 50 sano jir ah ayaa Arsenal ku soo biiray sanadkii 1995 ii waxaana loo tixgaliyaa mid ka mid ah ciyaartoydii ugu xirfada fiicnaa ee taariikhda premier League soo maray.

Dennis Bergkamp waxa uu Arsenal ku soo qaatay muddo 11 sanadood ah isaga oo soo dhaliyay 122 gool wuxuuna waqtigiisii Gunners ka caawiyay in ay saddex koob oo horyaalka ah ku soo guulaystaan waxaana hadda lagu xusuustaa taalada looga dhigay Emirates Stadium.

Tababarihii Arsenal ee Bruce Rioch ayaa Dennis Bergkamp kala soo wareegay kooxda Inter Milan waxayna Gunners markaas bixisay 7.5 milyan gini oo kaliya inkasta oo uu ka mid ahaa ciyaartoydii waqtigaas ugu fiicnayd kubbada cagta wuxuuna xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay dhaliyay 16 gool waana sanad ka hor markii Wenger uu shaqada Gunners la wareegay.

Ian Wright oo ka mid ahaa kooxdii Arsenal ee guuldaro la’aanta koobka Premier Leauge ku qaaday oo ay qayb ka ahaayeen Thierry Henry iyo Dennis Bergkamp ayaa Bergkamp u doortay saxiixii ugu fiicnaa ee ay Arsenal abid samaysay.

Ian Wright oo ka hadlaya Dennis Bergkamp ayaa yidhi: “Saxiix wayn ayuu u ahaa Arsenal, wuxuuna isagu ahaa midkii dhamaan guulaha lagu dul dhisay”.

Ian Wright oo si aan gabasho lahayn Bergamp uga horaysiiyay Henry ayaa yidhi: “Isagu aad ayuu cajiib u ahaa, waana saxiixii ugu fiicnaa ee ay kooxdu abidkeed samaysay. Isagu waxa uu badalay hida sidaha kooxda. Sharaf dhab ah ayay ii ahayd in aan la soo ciyaaray qof heerkaas ah”.

Laakiin haddii taageerayaasha Arsenal la waydiiyay xidigii abid ugu fiicnaa ee ay kooxdoodu la soo wareegtay waxaa la filayaa in Thierry Henry uu noqonayo kan ay markiiba hore ka dooran karaan.

Dennis Bergkamp ioy Thierry Henry ayaa weerar argagax leh ku samaystay Arsenal waxayna qayb ka ahaayeen kooxdii Arsenal ee sanadkii 1998 kii ku soo wada guulaystay koobabka Premier League iyo FA Cupka.

Dennis Bergkamp ayaa ku soo raaxaystay waqtigii guulaha ee Arsenal isaga oo kooxda kula soo guulaystay saddex koob oo FA Cupka ah, saddex koob oo horyaalka Premier League ah isaga oo waliba qayb laxaadleh ka ciyaaray kooxdii Gunners ee guuldaro la’aanta koobka Premier League ku qaaday 2003/04.

Laakiin taageerayaal Arsenal ah oo badan ayaa Ian Wrigt ku taageeray in Dennis Bergkamp uu ahaa saxiixii taariikhda kooxdooda ugu fiicnaa halka kuwo kale ay u arkaan in Henry uu ahaa midkii ugu fiicnaa.

Haddaba akhriste, haddii aad taageerto kooxda Arsenal, miyaad Dennis Bergkamp u aragtaa saxiixii abid ugu fiicnaa ee ay Arsenal samaysay?