Marco Materazzi Oo Ugu Danbayn Saxaafada La Wadaagay Wixii Dhex Maray Isaga Iyo Zinadine Zidane Koobkii Aduunka Ee 2006?

Marco Materazzi Oo Ugu Danbayn Saxaafada La Wadaagay Wixii Dhex Maray Isaga Iyo Zinadine Zidane Koobkii Aduunka Ee 2006?
Marco Materazzi Oo Ugu Danbayn Saxaafada La Wadaagay Wixii Dhex Maray Isaga Iyo Zinadine Zidane Koobkii Aduunka Ee 2006?

Daafacii hore ee xulka qaranka Talyaaniga ee Marco Materazzi ahna ninkii ku lug lahaa dhacdadii caanka ahayd ee kaadhka cas lagu siiyay Zinadine Zidane Final-kii koobkii aduunka ee 2006 ayaa ka sheekeeyay sheekadaas iyo waxa ilaa maanta ka haysta.

Materazzi ayaa ugu horreynba geesi u noqday xulka Talyaaniga kulankaas maadaama oo uu keenay goolkii bar-baraha ee kansalay goolkii furitaanka ee Zidane rigooraha kaga dhaliyay.

Inter Defender Marco Materazzi Has 'No Words' In Response To ...

Intaas kaddib Marco Materazzi ayaa qasbay in garoonka laga saaro ciyaartoygii ugu fiicnaa ee uu qaranka Les Bleus haystay oo ahaa Zidane kaddib markii hadalo uu ku yidhi ay qasbeen in Zizou uu kusoo laabto madaxiisana kaga dhufto laabta ilaa uu dhulka ka galay.

Plus de onze ans après, Materazzi trolle encore Zidane

Haddaba, Materazzi ayaa sheegay in Zidane ay dadkiisu difaacaan balse ta isaga ilaa maanta haysataa ay tahay in Talyaaniga qudhoodu ay ku eedeeyaan waxa uu sameeyay halkii ay ka ahayd in la ixtiraamo waa sida uu sheegaye.

Marco Materazzi Reveals What He Said to Zinedine Zidane Before ...

Marco ayaa baraha bulshada ka yidhi “Zidane waxa difaacay dadka French-ka ah laakiin aniga waxa i dhibaateeyay kuwa aanu isku dalka nahay”

“Aniga ahaan iyagu maaha Talyaani dhab ah, anigu markasta waxaan difaacayay midabada Talyaaniga, eedayntoodu waa waxa i dhaawaca inta ugu badan”

REVEALED: What made Zinedine Zidane headbutt Marco Materazzi ...

“Waxay ahayd inay dhunkadaan dhulka aan dul maro sababtoo ah waxa aan dhaliyay goolkii bar-bardhaca” Ayuu yidhi Materazzi.

Dhinaca kale Materazzi ayaa sheegay inuu Zidane walaashii wax ka sheegay balse uusan hooyadii waxba ka sheegin sida ay saxaafada qaar xustay, Materazzi ayaa intaas ku daray in waxa uu ku yidhi Zidane wax ka daran la iskaga yidhaahdo magaalooyinka dalkiisa Talyaaniga oo aysan wax weynba ka ahayn.

It's been a decade since Zinedine Zidane head-butted Marco ...