manchester united iyo suuqa kala iibsiga.

manchester united iyo suuqa kala iibsiga.

Bartilmaameedka Manchester United ee Donny van de Beek ayay u badan tahay inuu ka tago Ajax xagaagan, sida ay sheegayaan wararku.

Sky Sport ayaa warinaysa in Van de Beek, oo 23 jir ah, uu ka fiirsan doono u dhaqaaqista Premier League-ga, laakiin Ajax wali wax dalab ah may helin oo lagu doonayo kubadsameeyahaan da yarta ah.

xidigan reer Holland ayaa dhaliyay 10 gool isla markaana 11 caawin sameeyay 37 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii dhamaaday 2019/2020.

xidigan ayuu dooonayaa macalinka manchester united ee Ole Gunnar Solskjaer, van de beek ayaa ka ciyaari kara ilaa saddex position waana sababta ay man united saxeexiisa u raadinayso, hadaba sida ay wararkii,

ugu dambeeyey tibaaxayaan waxay suurta gala inuu dhawaan noqdo laacib ka tirsan kooxda red devils.

dhinaca kale, Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo da ‘yarka kooxda Barcelona ee Ansu Fati maadaama ay ku adkaatay helitaanka Jadon Sancho.

Wargayska ka soo baxa Spain ee Mundo Deportivo ayaa sheegaya in Red Devils ay diyaar u tahay inay bixiso lacag aad u badan taas oo lagu burburin karo qandaraaska Ans Fati.

United ayaan weli ka samrin inay heshiis la garto Dortmund si ay u hesho saxiixa Jadon Sancho laakiin waxaa laysu af garan layahay qiimaha lacibkan reer England dormund ayaa dalbaynaysa 108 million inay bixiso manchester united, sidaas oo ay tahay weli waxaa socda wada hadalo hoose ay ku wada jiraan labada kooxood.