Man Utd ayaa La xiriirtay Milan Si Ay Uga la hadasho Piatek

Man Utd ayaa La xiriirtay Milan   Si Ay Uga la hadasho  Piatek

Red Devils ayaa isha la raaceysa weeraryahanka reer Poland

Manchester United ayaa la xiriirtay Milan si ay ugala xaajooddo suurtogalnimada ay kula wareegeyso Krzysztof Piatek – sida ay qortay The Sun.

Ole Gunnar Solskjaer wuxuu indhaha ku hayaa xiddiga heerka caalami ee dalka Poland ka hor dhaawaca Marcus Rashford, isagoo u muuqda inuu keeno weeraryahan kale ka hor dhamaadka bisha.

United ayay u badan tahay inay tartan kala kulmaan Tottenham iyo Newcastle tartanka loogu jiro Piatek, kaasoo dhaliyay afar gool 18 kulan oo Serie A ah oo uu u saftay Milan xilli ciyaareedkan.