Madaxweynaha Maraykanka Muxuu Ka Yidhi Daawashada Ciyaaraha 14-Jirada Dalkaasi?

Madaxweynaha Maraykanka Muxuu Ka Yidhi Daawashada Ciyaaraha 14-Jirada Dalkaasi?
Madaxweynaha Maraykanka Muxuu Ka Yidhi Daawashada Ciyaaraha 14-Jirada Dalkaasi?

Madaxweynaha waddanka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ku daalay daawashada ciyaaraha kubadda Baseball-ka ee laga ciyaaro waddankaas, taas oo uu tilmaamay inay tahay ciyaaro 14 jir ah.

Waddanka Maraykanka ayaa la filayaa inay ciyaaraha kala duwan dib uga bilaabmaan marka ay hoos u dhacaan kiisaska xanuunka Coronavirus oo maalmihii ugu dambeeyey la dareemayay in ay yaraanayeen dadka uu ku dhacayo, waxaanay taasi keentay in Badhasaabyada gobollada qaarkood ay kulan ka yeeshaan inay dabciyaan xayiraadihii ay dadka saareen.

Si la mid ah dunida kale, waddanka Maraykanka ayaa joojiyey ciyaarihii kala duwanaa ee sannadkan sida NBA, NHL, MLS, PGA Tour iyo NASCAR, waxaanay taagan yihiin meel dhexe oo ay dhamaadka u dhowaayeen gaar ahaan horyaalka kubadda kolayga ee NBA oo inta badan kulamada ay kooxuhu soo ciyaareen.

Tartanka kaliya ee kubbadaha kala duwan ee Maraykanka laga ciyaaro dhamaaday, waa NFL oo bishii February horraanteedii la ciyaaray kulankii ugu dambeeyey ee ‘American SuperBowl’, hase yeeshee MLB oo bilaabmay dhowaan soconna doona dhawr bilood oo dambe ayaa uu weerar kala kulmay Madaxweyne Donald Trump.

Madaxweynaha oo Salaasadii ka hadlayay xanuunka COVID-19 ayaa waxa uu soo qaaday ciyaaraha oo uu ku tilmaamay in qaarkood yihiin 14 jir lagu caajisayo daawashadooda oo aanay u qalmin in waqti badan lagu bixiyo daawashadooda.

“Ciyaaraha, waxaynu doonaynaa inaynu dib ugu soo laabano ciyaaraha, si muhiim ah Waa inaynu dib usoo celino ciyaaraha Anigu waan ka daalay daawashada ciyaaraha baseball-ka oo ah 14 jir, waqti badan oo aan ku daawadana uma hayo.” Ayuu yidhi Madaxweyne Trump.

Donald Trump waxa kale oo uu sheegay in kooxihiisa lataliyeyaashu ay ka shaqayn doonaan inay ka caawiyaan in dhaqaalaha waddanka Maraykanka dib loo furo, waxaana kooxdan ku jira Komishaneerka NBA-da, Adam Silver, Komishaneerka MLB Rob Manfred, Komishaneerka NFL Roger Goodell, Komishaneerka NHL Gary Bettmann, Madaxweynaha UFC Dana White, Viince McMahon oo ka socda WWE, Mulkiilaha kooxda New England Patriots Robert Kraft, Mulkiilaha kooxda Dallas Cowboys Jerry Jones iyo Mulkiilaha Dallas Dallas Mavericks Mark Cuban.