Home Serie A

Madaxweynaha Kooxda Lazio Oo Laga Helay Xanuunka Coronavirus Xili Uu Isna Sheegay Inuu Sii Wadi Doono Wada Shaqaynta Kooxda?

Madaxweynaha Kooxda Lazio Oo Laga Helay Xanuunka Coronavirus Xili Uu Isna Sheegay Inuu Sii Wadi Doono Wada Shaqaynta Kooxda?
Madaxweynaha Kooxda Lazio Oo Laga Helay Xanuunka Coronavirus Xili Uu Isna Sheegay Inuu Sii Wadi Doono Wada Shaqaynta Kooxda?

Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Lazio ayaa muuqaal Daawasho ah oo uu soo duubay ku qirtay in laga helay xanuunka halista ah ee Coronavirus, kaasi oo ku dhacay xilli uu ku sugnaa waddanka Talyaaniga.

Nicola Zinaretti ayaa baadhitaan ay dhakhaatiirtu ku sameeyeen lagu shaaciyey inuu qabo xanuunkan, waxaana farriin uu soo diray uu murugo ku geliyey taageereyaasha kooxdiisa iyo bahda kubadda cagta oo dhan.

Waddanka oo tirada dadka uu ku dhacay xanuunkan ay kor u dhaafayaan 4,500 qof, waxa u dhintay ku dhowaad 100 qof, laakiin dalal badan oo kale oo Yurub ah ayaa laga helay kiisas badan, gaar ahaan Scandinavian-ka iyo UK, kuwaas oo dhimashooyin jiraan, isla markaana dad lagu daawaynayo.

Nicola Zingaretti  • President of the Lazio Region

Laba gobol oo ku yaalla waddanka Faransiiska ayaa ciyaarihii ka dhici lahaa oo ay ka mid ahayd kulankii PSG ay ku martigelin lahayd Strasbourg la baajiyey, sidoo kalena dhamaan iskuullada ayaa la xidhay in muddo ah, hase yeeshee waddanka China ee uu kasoo bilaabmay ayaa la tibaaxayaa inay hoos u dhacayaan kiisaska cusub ee laga diiwaangelinayaa.

Hore waxa loo sheegay in xanuunkani uu ku dhacay ciyaartooyo da’yar iyo kuwo kubadda cagta ka fadhiistay, hase yeeshee madaxweynaha Lazio, Nicola Zingaretti ayaa noqday masuulkii ugu sarreeyey ee kubadda cagta ah ee xanuunkan laga helo, isla markaana si cad u qirta.

Image result for Nicola Zinaretti in Lazio

Nicola Zingaretti oo sidoo kale ah siyaasi saamayn ku leh jaan-goynta siyaasadda waddankiisa,  toddobadii sannadood eee ugu dambeeyeyna ahaa Madaxweynaha Lazio ayaa muuqaal uu soo duubay dunida ku murugo geliyey, waxaana uu ku faahfaahiyey sida uu ku ogaaday in xanuunku uu hayo, isaga oo ballanqaaday in ciyaartoyga iyo shaqaalaha Lazio ay sii wadi doonaan bandhigyadooda.

“Dhakhaatiirtu waxay ii sheegeen inaan qabo xanuunka Covid-19” Ayuu yidhi Nicola Zingaretti.

Image result for Nicola Zinaretti in Lazio

Madaxweynaha Lazio waxa uu tilmaamay inuu fiican yahay, isla markaana uu qaadi raaci doono talooyinka dhakhaatiirtu siiyeen, waxaanu yidhi “Waan fiicanahay, laakiin waa inaan guriga joogo maalmaha soo socda, halkan ayaanan ka sii wadi doonaa oo aan kala socon doonaa shaqada halkaas laga qabanayo kooxda, Dhiirigelin dhamaantiin, si degdeg ahna waynu isku arki doonaa”