Madaxa fulinta Inter Milan Oo Xaqiijiyey Inay ku Dhowyiin Christian Ereksen

Madaxa fulinta Inter Milan Oo Xaqiijiyey Inay ku Dhowyiin Christian Ereksen
Waa Kee Badalka Christian Eriksen Ee Kooxda Tottenham Hada Siiba Samaysay.

Madaxa fulinta kooxda Inter Milan Giuseppe Marotta ayaa kalsooni ka muujiyey in kooxdiisu ay ku dhowday soo xero galinta ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Tottenham Hotspur Christian Eriksen, ciyaarhankan reer denmark ayaa laga saaray kooxdiisa Spurs kulankii wareegga afaraad ee FA Cup ee ay la ciyaaraayeen Southampton Sabtidii, inkastoo uu ciyaarta ka daawanaayey kuraasta tarabuunka.

Spurs iyo Inter ayaa wadahadalo kula jiray ciyaaryahankan khadka dhexe in muddo ah, laakiin guul ayaa laga gaaray wada ha daladii ereksen ayaana ku biiri doona inter milan isbuucan intaanay dhamaan bishan january, Eriksen ayaa haatan la rajeynayo inuu u safro Milan si uu u dhameystiro ku biiritaanka kooxda Serie A horaanta.

Eriksen wuxuu muddo dheer doonanyey inuu ka tagayo Tottenham, Mar wax laga waydiiyey heshiiska Ereksen madaxa fulinta inter wuxuu ku jawaabay:

MADAXA FULINTA INTER MILAN

“Eriksen Ma qarinayno, waxaan wadahadal kula jirnay Tottenham in muddo ah,

“Waxaan ku rajo weynahay, inaan sida ugu dhaqsaha badan u soo gabagabeeyo heshiiska ereksen ugu biirayo inter milan.”