Macalinka Kooxda Chelsea Frank Lampard Ayaa Wax Laga Waydiiyey Edinson Cavani Oo Maalmihii Ugu Danbeeyey Lala Xidhiidhinayey Kooxda Chelsea.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa shirkiisa jaraa’id ee ka horreeya kulanka ay Arsenal habeen dambe qaabili doonaan lagu weydiiyay arrimaha weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Edinson Cavani oo maalmihii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayo.

Lampard ayaa raadinaya inuu xiddigo goolal dhalin kara kusoo daro safka kooxdiisa xilli ay ku jiraan xilli suuqoodii ugu horreeyay ee tan iyo markii ganaaxa dhinaca suuqa ah laga qaaday.

Weeraryahanka dookha koowaad ee kooxda ee Tammy Abraham ayaa u muuqda mid aan lahayn qaab ciyaareedkii uu ku bilawday xilli ciyaareedka waana sababta qasbaysa in jamaahiirtu ay dalbadaan xiddig cusub oo weerar ah.

Lampard oo la weydiiyay arrimaha Cavani ayaa amaanay xiddiga ree Uruguay isagoo dhinaca kale diiday inuu meesha ka saaro suurogalnimada ay kula soo wareegi karaan kaddib markii uu sheegay inuusan waxba hubin hadalkaas oo ah mid farxad u ah taageerayaasha.

Frankie ayaa ugu horreynba isaga oo ka hadlaya arrimaha Edinson yidhi “Isagu (Cavani) waa ciyaartoy cajiib ah, Isaga waan kahor tagay”.

“Anigu ma hubo waxa ay tahay xaalada halkaasi, Isagu waxa uu leeyahay khibrad, Wakhtiyada qaar way wanaagsan tahay in la keeno khibrad, Waynu arki doonaa”.

Ugu dambayn, Xaqiiqada ah in ay wareega 16-ka ee UEFA Champions League ku wajahayaan Bayern Munich ayaa ah arrin kale oo ku qasbi karta Blues inay dhaq-dhaqaaq deg deg ah ka sameeyaan suuqan January.