Macalin Zinedine Zidane Muxuu Ku Abaal Mariyey Ciyaartoyda Kooxdiisa Guushii Ay Kooxda Osasuna Ka Gaadheen Ka Dib.

Macalin Zinedine Zidane Muxuu Ku Abaal Mariyey Ciyaartoyda Kooxdiisa Guushii Ay Kooxda Osasuna Ka Gaadheen Ka Dib.
Khibradii Macalinimo Ee uu Ka Soo Faa'iday Dalka Taliyaaniga Ayuu Ka Waramay Macalinka Real Madrid Zinedine Zidane?

Real Madrid ayaa guul soo laabasho ah ka gaadhay kooxda Osasuna oo marti loogu ahaa garoonka El Sadar, iyagoo ku xaadhay Natiijo 4-1 ah.

Ka dib markii uu Unai Garcia hogaanka u dhiibay kooxda Osasuna, waxaa Real Madrid ciyaarta ku soo celiyay Isco ka hor inta uusan kabtan Ramos hogaanka ugu dhiibin gool uu madax ku dhaliyay.

Waxaa ka dib guushii xaqiijiyay Lucas Vazquez iyo Luka Jovic oo labo gool oo cajiib ah dhaliyay ka dib markii ay bedel ku soo galeen ciyaarta qeybteedii labaad.

Tababare Zidane ayaa ku abaalmariyay ciyaartoydiisa inuu siiyay labo maalmood oo fasax ah ka dib guushoodii maanta ay ka gaadheen Kooxda Martida loo ahaa Ee Osasuna.

Ciyaartoyda Real Madrid ayaa tababarka kooxda ku soo laaban doona maalinta Arbacada waqtiga Spain marka ay tahay 11ka barqanimo.

Madaama laga reebay Copa del Rey tababare Zidane ayaa go’aansaday inuu nasasiiyo xiddigihiisa ka hor kulankooda xiga ee horyaalka La Liga.

Los Blancos ayaa gurigooda Santiago Bernabeu waxay ku soo dhaweyn doontaa kooxda Celta Vigo Axada soo socota.