Macalin Jurgen Klopp Ayaa Taageerayaashiisa Kooxda Liverpool Ka Dalbaday Inay Gacmaha Laabtaan Waa Maxay Sababtu?

Macalin Jurgen Klopp Ayaa Taageerayaashiisa Kooxda Liverpool Ka Dalbaday Inay Gacmaha Laabtaan Waa Maxay Sababtu?
Macalin Jurgen Klopp Ayaa Taageerayaashiisa Kooxda Liverpool Ka Dalbaday Inay Gacmaha Laabtaan Waa Maxay Sababtu?

Ka hor intii aanay bilaabmin ciyaartii Atletico Madrid ay ku garaacday Liverpool, waxa dunidu la murugaysnayd xanuunka halista ah ee Coronavirus oo si weyn ugu sii fidaya guud ahaan dunida, gaar ahaan dalalka qaaradda Yurub, waxaana soo baxayay wararka sheegaya ciyaartooyo caan ah oo laga helay iyo digniino la xidhiidha sida lagu xakamayn karayo, dadkuna iskaga ilaalin karayaan oo ka baxayay warbaahinta.

Daqiiqado ka hor bilowga ciyaarta, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ee WHO ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay xanuunkan u aqoonsatay Musiibo Dabiici ah. Waxa kale oo iyaguna jiray go’aamo kasoo baxayay Spain iyo UEFA oo lagu joojiyey kulamo ka tirsan tartanka Europa League oo caawa dhici lahaa, gaar ahaan labada ciyaarood ee Getafe vs AS Roma iyo Inter Milan vs Sevilla.

Waxa kale oo taagnayd hadal haynta haddii la baajin doono ciyaarta Barcelona ay Arbacada soo socota ku martigelin doonto Napoli ee lugta labaad ee Champions League, taas oo hore loo shaaciyey in taageereyaal la’aan lagu ciyaari doono, hase yeeshee xayiraad socdaalka ah oo la geliyey Talyaaniga ay sabab u noqon karayso in Spain ay dalkeeda u diido ciyaartoyga Napoli si la mid ah laacibiinta AS Roma oo ay dalkeeda ka hor istaagtay.

Inkasta oo ciyaarta oo socota uu soo baxay, haddana waxa jiray war dunida argagax geliyey oo lagu xaqiijiyey in laacib ka tirsan kooxda Juventus laga helay xanuunka Coronavirus, isla markaana lagu karantiilay meel gaar ah, waxaana jira walaac ah in ciyaartoyga kale ee kooxdaas uu u gudbiyey ka hor intii aan la ogaanin.

Arrimahan oo jira, ayay taageereyaasha kooxda Liverpool isku dayeen inay salaamaan tababarahooda Jurgen Klopp markii garoonka lasoo gelayey, laakiin Klopp ayaa gacanta ka laabtay, isla markaana u sheegay inay dib u ceshadaan gacmahooda.