Ma Dhabaa In Zinedine Zidane Ka Tagaayo Kooxda Real Madrid Hadiiba uu Soo Dhamaado Xili Ciyaareedkan?

Ma Dhabaa In Zinedine Zidane Ka Tagaayo Kooxda Real Madrid Hadiiba uu Soo Dhamaado Xili Ciyaareedkan?
Ma Dhabaa In Zinedine Zidane Ka Tagaayo Kooxda Real Madrid Hadiiba uu Soo Dhamaado Xili Ciyaareedkan?

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa lagu soo waramayaa in uu isaga tagi doono kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha khilaaf kala dhexeeya madaxweynaha Koxda Real Madrid ee Florentino Pérez.

Image result for Florentino Pérez and zidane

Wargayska soccerlink ayaa sheegaya in uuna Zidane tababare u ahaan doonin Real Madrid xilli ciyaareedka dambe isagana tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo uu tababaraha reer France dib ugu soo celiyay kooxda qaab ciyaareedkii fiicnaa xilli ciyaareedkan hadana Zidane ayaa go’aansaday in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Image result for zidane

Zidane ayaa kooxda kula jira heshiis ilaa 2022 ah waxana la sheegayaa in uu kansali doono heshiiska uu kula jiro kooxda Los Blancos dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska ayaa sheegaya in khilaafka ka dhexeeya Tababaraha iyo madaxweynaha kooxda ee Florentino Pérez tahay dhanka suuqa kala iibsiga gaar ahaan markii loo keeni waayay Paul Pogba oo uu Zidane aad u doonayay xiddiga.