Ma Dhabaa in Philippe Coutinho Dib Loogu Soo Celinaayo Kooxda Barcelona Waakan Macalinka Kooxda Quique Setien Oo Ka Hadlay?

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Quique Setien ayaa wadahadalo dheer la qaatay maamulka kooxdiisa isaga oo kala hadlay qorshaha xilli ciyaareedka dambe iyo waliba suuqa kala iibsiga xagaaga.

Go’aanka ugu dambeeya ayuu gaadhi doonaa Eric Abidal iyo shaqaalaha uu hogaamiyo laakiin fikirka tababare Quique Setie ayaa ah mid muhiim ah.

Image result for Quique Setien and Philippe Coutinho

Mid ka mid ah Go’aanka tababare Quique Setie ayaa ah in uu doonayo in uu dib u soo celiyo xiddiga Philippe Coutinho kaas oo uu doonayo in uu fursad siiyo xilli ciyaareedka dambe.

Image result for Quique Setien and Philippe Coutinho

Tababaraha ayaa aaminsan in uu Philippe Coutinho wax weyn ku soo kordhin doono qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedka dambe.

Setien ayaa aaminsan in uu Coutinho yahay xiddig awood u leh in uu ka ciyaaro labada garab ee weerarka iyo waliba khadka dhexe waxana uu rumaysan yahay in uu buuxin karo booskii uu baneeyay Iniesta.

Sidaas darteed wargayska Sport ayaa sheegaya in uu tababaruhu maamulka kooxdiisa u sheegay in xiddiga dib loogu soo celiyo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.