Ma Dhabaa In Macalinkii Hore Ee Kooxaha Real Madrid, Liverpool, Newcastle, Napoli, Inter Milan, Iyo Chelsea Uu Dib Ugu Soo Laaban Doono Horyaalka Premier League?

Ma Dhabaa In Macalinkii Hore Ee Kooxaha Real Madrid, Liverpool, Newcastle, Napoli, Inter Milan, Iyo Chelsea Uu Dib Ugu Soo Laaban Doono Horyaalka Premier League?
Ma Dhabaa In Macalinkii Hore Ee Kooxaha Real Madrid, Liverpool, Newcastle, Napoli, Inter Milan, Iyo Chelsea Uu Dib Ugu Soo Laaban Doono Horyaalka Premier League?

Tababarihii hore ee kooxaha Liverpool, Chelsea, Real Madrid, Inter Milan, Napoli iyo Newcastle ee Rafa Benitez ayaa dib ugu soo laaban doona horyaalka kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana sabab u noqon doona dhaxal-sugaha boqortooyada Saudi Arabia Mohammed bin Salman.

Dhaxal-suge Mohammed bin Salman ayaa wada-hadallo kula jira mulmiilaha kooxda Newcastle United ee Mike Ashley, waxaanay wararku sheegayaan in ay ku dhow yihiin inay heshiis ka gaadhaan iibka kooxda oo lagu qiimeeyey 340 milyan oo Gini, taas oo shirkadda maalgelinta u qaabilsan Saudi Arabia ee lagu magacaabo Saudi Public Investment Fund oo uu guddoomiye ka yahay Mohammed bin Salman ay diyaarisay lacagta ay ku iibsanayso.

Image result for Rafa Benitez

Kooxda Manchester United ayaa markii hore ahayd naadiga uu doonayey in uu iibsado Mohammed bin Salman, hase yeeshee maalqabeennada reer Maraykan ee Glazer Family ayaa ku kala qaybsamay mashruuca iibinta, iyadoo qayb ka mid ah qoysku ay u safreen magaalada Riyad oo ay kula soo kulmeen Mohamed bin Salman, hase yeeshee ninka ugu weyn qoyska ayaa iska diiday.

Sucuudiga oo doonaya inuu soo galo maalgelinta ciyaaraha si la mid ah Imaaraadka Carabta iyo Qatar oo kala leh kooxaha Manchester City iyo PSG, ayaa waxa uu wargeyska The Sun ee kasoo baxa UK uu qoray in horumar laga sameeyey wada-hadallada Mike Ashley iyo dhaxal-sugaha, kaliyana ay hadhsan tahay inay si buuxda u heshiiyaan.

Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in Mohammed bin Salman uu dib ugu soo celin doono Newcastle tababaraha reer Spain ee Rafa Benitez oo xagaagii ka tegay kooxda markii uu dhamaaday heshiiskii uu kula jiray, xilligaas oo uu ku andacooday in culays badan oo shaqsi ah uu saaran yahay, kooxduna aanay diyaar u ahayn inay usoo iibiso ciyaaryahannada uu doonayo.

Benitez oo hore ugu soo guuleystay Champions League, waxa uu waqtigan tababare u yahay kooxda reer China ee Dalian Yifang oo uu qabsaday markii uu ka tegay Newcastle oo iyadana loo magacaabay Bruce oo ku dhibaatoonaya Premier League oo ay kooxdu ku jirto kaalinta 14aad.