Luke Shaw Oo Doortay Xidigii Ugu Adkaa Ee Ka Hor Yimid Xili uu Sheegay Ciyaartoy Aan Laga Filayn?

Luke Shaw Oo Doortay Xidigii Ugu Adkaa Ee Ka Hor Yimid Xili uu Sheegay Ciyaartoy Aan Laga Filayn?
Luke Shaw Oo Doortay Xidigii Ugu Adkaa Ee Ka Hor Yimid Xili uu Sheegay Ciyaartoy Aan Laga Filayn?

Difaaca bidix ee kooxda Manchester Uited iyo xulka qaranka England ee Luke Shaw ayaa xidigo waa wayn kaga hor yimid kubbada cagta laakiin waxa uu magacaabay midkii ugu adkaa ee uu garoonka dhexdiisa ku wajahay.

Luke Shaw waxa uu ka hor yimid Lionel Messi, Cristiano Ronaldo, Gareth Bale, Eden Hazard, Sadio Mane iyo xidigo heer caalami ah oo badan laakiin waxa uu xidigii ugu adkaa u doortay Victor Moses.

Luka Shaw ayaa sheegay in uu ka hor yimid ciyaartoy ay ka mid yihiin Gareth Bale, Lionel Messi iyo Eden Hazard oo uu ku daray ciyaartoydii ugu adkayd ee uu soo wajahay balse Victor Moses ayuu si gaar ah u xusay Moses.

Victor Moses ayaa hadda amaah ku jooga kooxda Inter Milan wuxuuna dib ula midoobay tababare Antonio Conte oo tayada xidiga reer Nigeria ku soo saaray markii ay Chelsea wacdaraha layaabka leh ku soo bandhigeen.

Luka Shaw oo ka jawaabaya xidigii abid ugu adkaa ee uu garoon kaga hor yimid ayaa yidhi: “Markastaba dadku waxay u qaataan in aan kaftamayo, laakiin mid ka mid ah ciyaarihii ugu adkaa ee aan soo aatay waxay ahayd midkii ka dhanka ahaa Victor Moses markii aan badal ugu soo galayay Southampton aniga oo 1 snao jir ah”.

“Waxaa laga yabaa in ay sababtu ahayd in aan aad u da’yaraa, xaqiiqdii isagu aad ayuu u deg deg badnaa, toos u ahaa u xooganaa  isla markaana tartan ayuu aniga igu ahaa” ayuu Shaw oo Moses sii amaanayaa hadalkiisa sii raaciyay.

Luka Shaw oo ka hadlaya ciyaartoydii adkaa ee uu sidoo kale soo wajahay ayaa yidhi: “Anigu waxaan ciyaar kaga hor imid sida Gareth Bale, Messi, Hazard dhamaantoodna aad ayay u fiicnaayeen, laakiin markastaba waxaan xusuustaa Victor Moses oo xaqiiqdii sidoo kale ahaa mid aad u adag”.

Victor Moses ayaa leh xirfad gambis oo xoogan wuxuuna sidoo kale leeyahay xawaare orod oo aad u dheereeya halka uu sidoo kale leeyahay awood jidh ahaaneed wuxuuna Luka Shaw ku abuuray xusuus uu ku ilaaway dhamaan xidigihii kale ee soo dhibaateeyay.