Luis Suarez Soo Laabashadiisu Waxay u Eeg Tahay Mid Hormar Ka Sameenaaya Garoomada Xili Uu Mudo Ka Maqnaa?

Luis Suarez Soo Laabashadiisu Waxay u Eeg Tahay Mid Hormar Ka Sameenaaya Garoomada Xili Uu Mudo Ka Maqnaa?
Luis Suarez Soo Laabashadiisu Waxay u Eeg Tahay Mid Hormar Ka Sameenaaya Garoomada Xili Uu Mudo Ka Maqnaa?

Weeraryahanka Barcelona ee Luis Suarez ayaa horumar ka samaynaya soo kabashada dhaawaca uu muddada garoomada kaga maqnaanayo, kaas oo la sheegay in aanu fursad uga heli doonin kulamada ka hadhay xili ciyaareedkan.

Dhaliyaha reer Uruguay ayaa qalliin lagaga sameeyey jilibka bishii January, laakiin waxa uu dib u bilaabay jimicsiga si uu taam ugu noqdo inuu mar kale garoomada soo galo.

Muuqaal uu ku baahiyey bartiisa Instagram ayaa waxa uu ku muujiyey in uu si caad ah u ordi karayo, una samaynayo jimicsiyada fudud ee mishiinnada loo adeegsado iyadoo aanay wax taageero ah kaga xidhnayn jilibka qalliinka lagaga sameeyey.

Arrintan oo ka farxinaysa tababare Quique Setien oo culays badan saaran yahay iyo jamaahiirta oo u adkaysan kari la’ hoos u dhaca ku yimid naadigooda, ayaa si diirran usoo dhaweeyey.

Hadal kooban oo uu raaciyey muuqaalka ayaa waxa uu ku yidhi: “Yoolku waa mustaqbalka”

Ma jiro wax war ah oo kooxda iyo dhakhaatiirtu kasoo saartay soo-kabashada Suarez, hase yeeshee waxa uu jadwalka soo-kabashadiisu ku muddaysan yahay illaa bisha May, xilligaas oo horyaalku dhamaan doono, laakiin kaliya uu dheeli karo finalka Champions League haddii ay Barcelona usoo baxdo.

Si kastaba ha ahaatee, laacibkan oo ku dhaawacmay kulankii Spanish Super Cup ee Atletico Madrid ay ku garaacday Barcelona waddanka Suadi Arabia, ayey kooxdiisu tabtay, waxaanay la’ yihiin dhalintiisii hibada ahayd, iyadoo Ousamane Dembele oo kaalintiisa buuxin lahaana uu mar kale dib ugu laabtay dhaawac  uu kasoo kabtay, waxaana Blaugrana ay lasoo saxeexdeen Braithwait oo aan wali saldhigin Camp Nou.