Luis Suarez Ayaa Ka Farxiyey Tababaraha Kooxdiisa Iyo Jamaahiirta Waa Maxay Talow Farxadaasi?

Luis Suarez Ayaa Ka Farxiyey Tababaraha Kooxdiisa Iyo Jamaahiirta Waa Maxay Talow Farxadaasi?
Luis Suarez Ayaa Ka Farxiyey Tababaraha Kooxdiisa Iyo Jamaahiirta Waa Maxay Talow Farxadaasi?

Weeraryahanka Barcelona ee Luis Suarez ayaa ka farxiyey jamaahiirta iyo tababaraha kooxdiisa, waxaanu u caddeeyey inuu taam ka noqonayo dhaawacii uu garoomada kaga maqnaa marka uu horyaalku dib u bilaabmayo bisha May.

Laacibka reer Uruguay ayaa bishii January qalliin lagaga sameeyey jilibka, waxaana fursad siiyey hakadka galay horyaallada ee uu sababay caabuqa Coronavirus oo muddada ay fasaxa yihiin ciyaaruhu uu kaga soo kabanayo dhaawacaas.

Suarez waxa uu sheegay in dhakhtarkiisu u sheegay inuu si fiican uga bogsanayo dhaawaciisa oo uu rajaynayo inuu si degdeg ah u bilaabo tababarka, qorshihiisuna yahay inuu kula soo bilowdo Barcelona marka ay ciyaaruhu dib u bilaabmayaan.

“Waqtiga suurtogalka ah ee aan soo laabanayo waanu maaraynaynaa, haddana waxa jira isbeddel, wayse caddahay waqtiga ugu horreeya ee aan soo noqon doono.” Ayuu yidhi Suarez oo u warramay Referi, waxaanu intaas raaciyey: “Dhakhtarkayga ayaa ii sheegay inaan si fiican usoo kabanayo, taasina waxay i siinaysaa rajo ah inaan sida ugu dhakhsahaha badan usoo laabto oo aan ciyaaro.

“Isbeddelku hadda waxa uu yahay in marka kooxdu soo laabanayso aan awoodi doono inaan ciyaaro.”

Luis Suarez oo kooxdiisu ay tabtay muddadii uu dhaawaca kaga maqnaa, waxa uu sheegay la saadaaliyey inuu horraanta bisha May taam noqon doono, laakiin waqtigaas uu kasoo horreyn doono, waxaanu yidhi “Waxa la saadaaliyey horraanta bisha May, kaddib kulamo aanu yeelanay dhakhaatiirta iyo sida xaaladdaydu u socotay, inyar ayay kasoo horreynaysaa.”

Waxa kale oo uu ka hadlay xanuunka Coronavirus ee dunida dhibaatada ku haya, waxaanu yidhi

“Waa inaynu taxadar samayno oo aynu noqono kuwo waaqaca ka duula, dadkuna aanay sugin inay daawadaan ciyaaraha kubadda cagta, waxay sugayaan inay guryahooda ka baxaan, naftooda u raaxaystaan cabsi la’aan, tagaan bannaanka iyagoo carruurtooda wata oo ay mar kale naftooda u raaxaystaan.”