Luis Enrique Ayaa Su’aal La Waydiiyey Kaga Jawaabay Labadii Ciyaartoy Ka Yaabsaday Kubada Cagta Hadaba Waa Kuwee?

Luis Enrique Ayaa Su’aal La Waydiiyey Kaga Jawaabay Labadii Ciyaartoy Ka Yaabsaday Kubada Cagta Hadaba Waa Kuwee?
Luis Enrique Ayaa Su'aal La Waydiiyey Kaga Jawaabay Labadii Ciyaartoy Ka Yaabsaday Kubada Cagta Hadaba Waa Kuwee?

Tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa su’aalo lagu waydiiyay barta twitterka xili ay kubbada cagta aduunku go’doon ugu jirto saamaynta cudurka dilaaga noqday ee coronavirus.

Luis Enrique ayaa ka jawaabay su’aal laga waydiiyay ciyaartoydii uu inta ugu badan kaga soo yaabay kubbada cagta isaga oo magacaabay laba ciyaartoy oo uu inta ugu badan kaga yaabay wax qabadkii ay soo sameeyeen.

England 1 - 2 Spain: Luis Enrique's 90 minutes of restlessness ...

Tababare Luis Enrique uu waqti cajiib ah ku soo qaatay Barcelona ayaa sheegay in Lionel Messi uu ahaa xidiga inta ugu badan ka soo yaabsaday laakiin waxa uu tilmaamay in Andres Iniesta uu ahaa xidiga labaad ee Messi ku soo xiga ee uu la soo yaabay.

Muddadii uu Luis Enrique maamulayay Barcelona waxa uu kooxda la soo qaaday koob walba oo ay suurtogal ahayd in lagu guulaysto ka hor intii aanu go’aan shaqsi ah ku gaadhin in uu Camp Nou ka baxo.

Iniesta the closest talent to Messi, says former Barcelona coach ...

Markii Luis Enrique la waydiiyay ciyaartoydii ciyaartoydii inta ugu badan ka yaabsatay ama uu la dhacay wax qabadkooda waxa uu markiiba hore ka sheegay Lionel Messi wuxuuna raaciyay Andres Iniesta.

Dhinaca kale Luis Enrique ayaa sheegay in aanu Lionel Messi xataa u sheegi jirin waxa uu sameeyo isaga oo sababta ku sheegay in ayna taas uba baahnayn oo uu isagu ogyahay waxa ay tahay in uu sameeyo marka uu kubbada haysto.

Ugu horayn Luis Enrique oo ka jawaabaya ciyaartoydii uu la yaabay ama sida wayn uu wax qabadkooda ugu soo qancay ayaa yidhi: ” Ciyaartoyga waayaha ciyaareed/tababare aniga iga soo yaabsaday?, ma garanayo haddii uu micnaheedu yahay aniga oo ciyaartoy ah, ka tababare ahaan ama labadoodaba, shaki la’aan waa Leo Messi. Kadib waxaan sheegi karaa in Andres Iniesta uu ku dhawaa wax la mid ah Leo Messi”

Luis Enrique news: Robert Moreno would step aside if former ...

“Laakiin Leo si wayn ayuu uga duwan yahay kuwa kale” ayuu Luis Enrique hadalkiisa sii raaciyay isaga oo aaminsan in aanu jirin ciyaartoy kale oo Messi la mid ahi.

Dhinaca kale Luis Enrique ayaa ka hadlay si aanu Messi ugu baahnayn in tilmaan la siiyo marka uu ciyaarayo wuxuuna yidhi: “Anigu umaan sheegi karayn in uu kubbada baaso, gas sameeyo ama uu laago, sababtoo ah isaga ayaa maamulay dhamaan waxaas. Uma baahnin in aan isaga wax u sheegno, umaanu baahan in aanu isaga wax tallo ah siino sida waxyaabaha loo qabto”.

Inkasta oo marar badan shaki la galin jiray xidhiidhka Lionel Messi iyo Luis Enrique, haddana waxaa markasta ka soo dhexeeyay xidhiidh xirfadlenimo oo ay si wayn iskugu soo fahmeen intii ay Camp Nou wada joogeen.