Home LA LIGA

Lorenzo Sanz Oo Laga Helay Xanuunka Corona Xili Cabsi Weyn Soo Food Saartay Kooxda Real Madrid?

Lorenzo Sanz Oo Laga Helay Xanuunka Corona Xili Cabsi Weyn Soo Food Saartay Kooxda Real Madrid?
Lorenzo Sanz Oo Laga Helay Xanuunka Corona Xili Cabsi Weyn Soo Food Saartay Kooxda Real Madrid?

Madaxweynihii hore ee kooxda kubadda cagta Real Madrid, Lorenzo Sanz ayaa loola cararay cusbitaal kaddib markii uu ku dhacay xanuunka Coronavirus, kaas oo geliyey xaalad xalis ah.

Sida ay ku warrantay warbaahinta dalka Spain Lorenzo Sanz  oo ay da’diisu tahay 76 jir ayaa galay xaalad aad u liidata, waxaana la dhigay qaybta dadka aadka u liita ee cusbitaal ku yaalla magaalada Madrid.

Lorenzo Sanz ayaa xummad  aad u daran ay haysay maalmihii ugu dambeeyey, kaddibna xaaladdiisa ayaa sii xumaatay iyadoo dhakhaatiirtu ay xakamayn kari la’yihiin jidhkiisa sii diciifaya iyo xumadda aan nefiska lahayn.

Sanz ayaa ahaa Madaxweynaha Real Madrid xilligii ay ku guuleysanaysay labada koob ee Champions Legue sannadihii 1998 iyo 2000, waxaana xanuunkiisu murugo ku abuuray kooxdiisa oo hadda u dheg taagaysa sida xaaladdiisu noqonayso.

Real Madrid ayaa hore ciyaartoygeeda karantiil u gelisay kaddib markii laacib ka tirsan kooxdeeda Basketball-ka laga helay xanuunkan, kaas oo galaangal iyo dhex-joogba la samaynayay ciyaartoyda kubadda cagta ee naadigaas.

Dhinaca kale, caabuqa Coronavirus ayaa waxa uu inta badan halis ku yahay dadka ay da’doodu ka weyn tahay 70 jirka, inta ugu badan ee dhimatayna waa waayeel xilligaas maraya, waana tan sababta ay Real Madrid ugu walaacsan tahay nolosha Lorenzo Sanz.

Si kastaba ha ahaatee, Isniintii ayaa waddanka Spain laga diiwaangeliyey dhimashada qofkii ugu horreeyey ee kubadda cagta ka tirsan, waxaanu ahaa tababare 21 jir ah oo naadi yar oo ka dhisan Malaga laylin jiray, kaas oo u geeriyooday caabuqa Coronavirus.