Lorenzo Sanz Madaxweynihii Hore Kooxda Real Madrid Ayaa Ku Geeriyooday Isagoo Jira 76-Sano?

Lorenzo Sanz Madaxweynihii Hore Kooxda Real Madrid Ayaa Ku Geeriyooday Isagoo Jira 76-Sano?
Lorenzo Sanz Madaxweynihii Hore Kooxda Real Madrid Ayaa Ku Geeriyooday Isagoo Jira 76-Sano?

Madaxweynihii hore ee Real Madrid Lorenzo Sanz ayaa geeriyooday isagoo da’diisa ay tahay 76 sanno ka dib markii uu ku dhacay caabuqa Coronavirus.

Waxaa cusbitaalka loola cararay Talaadadii ka dib markii ay xumad qabatay, waxaa laga helay caabuqa Coronavirus waxaana la geeyay qeybta gargaarka degdega ah.

Si kastaba, waxaa xalay ayaa la xaqiijiyay in Sanz uu geeriyooday, Marka laga soo tago caabuqa Coronavirus, Sanz waxa uu sidoo kale qabay cudurka macaanka iyadoo kelyaha ay fadhiisteen.

Sanz ayaa agaasime ka ahaa Real Madrid muddo 10 sannadood ah ka dib markii uu ku biiray 1985 ka dib waxaa loo doortay madaxweyne sannadkii 1995 isagoo xilka hayay muddo shan sannadood ah.

Ninka reer Spain ayaa si weyn loogu yaqaanay inuu Real Madrid ka saaray abaar muddo dheer ka heysay Champions League.

Waxaa koobka Champions League ugu danbeysay sannadkii 1996dii ka hor inta aysan finalka ku garaacin Juventus sannadkii 1998 iyo labo sannadood ka dib oo ay ka qaadeen Valencia.

Los Blancos ayaa sidoo kale hanatay koobka La Liga xilli ciyaareedkii 1996-97 iyadoo markaas uu Sanz tababare u magacaabay Fabio Capello.

Wuxuu xilligaas kooxda u soo iibiyay xiddigo ay ka mid yihiin Roberto Carlos, Clarence Seedorf, Davor Suker iyo Predrag Mijatovic.

Sanz ayaa sidoo kale ku caan baxay hadal uu yiri waqtigaas oo aheyd: “Cidna igama horjoogsan karto inaan ka soo muuqdo taariikhda dahabiga ee kooxda sida Santiago Bernabeu.”