Lionel Messi Sadexdan Qodob Ma Ku Dhaqaaqi Doonaa Inta Uga Hadhsan Xirfadiisa Ee Kooxda Barcelona Intaanu Ka Tagin.

Lionel Messi Sadexdan Qodob Ma Ku Dhaqaaqi Doonaa Inta Uga Hadhsan Xirfadiisa Ee Kooxda Barcelona Intaanu Ka Tagin.
Lionel Messi Sadexdan Qodob Ma Ku Dhaqaaqi Doonaa Inta Uga Hadhsan Xirfadiisa Ee Kooxda Barcelona Intaanu Ka Tagin.

Xididga reer Argentine ee Lionel Messi waxa uu ku jiraa xaaladdiisii ugu adkayd ee xirfadeed, waxaana laga sugayaa in uu qaato go’aan saameeya qaybta dhiman ee noloshiisa iyo xirfaddiisa ciyaareedba.

Afartii sannadood ee ugu dambaysay, noloshiisa Camp Nou may ahayn kuwo farxaddu ugu badan tahay sidii ay beryo qaar ahayd, waxaana inkasta oo uu ku guuleystay saddex horyaal oo LaLiga ah iyo toddoba koob oo kale, haddana uu ka qatanaa tartanka Champions League oo kooxdiisu ay niyad-jab kaga jirtay.

Labadii sannadood ee ugu dambeeyey, waxa si bahdilaad ah Barcelona ku reebay AS Roma iyo Liverpool, waxaanu Messi ahaa shaqsiga kaliya ee canaanta dusha looga tuurayey, taas oo ay u dheerayd culays kale oo ahaa in rajada ay sugayaan jamaahiirtu uu isaga uun yahay.

Qandaraaska uu kula jiro Barcelona waxa uu dhacayaa dhamaadka xili ciyaareedka soo aaddan amaba badhtamaha sannadka 2021, waxaanu iska diiddan yahay inuu qalinka ku duugo heshiis cusub, laakiin arrinta kale ee walaaca ku haysa Barcelona ayaa waxay tahay in laacibka reer Argentine uu heshiiskiisii hore ku daray qodob dhigaya in uu si bilaash ah uga tegi karo dhamaadkaa xili ciyaareedka hadda socda ama badhtamaha 2020, taas oo ka dhigan in dhawr bilood kaddib uu si xor ah uga bixi karo Camp Nou oo uu ku biiri karo kooxda uu isagu doorto.

Inkasta oo culays ka weyn uu saaran yahay, haddana dareenka ka jiray Camp  Nou dhawr bilood ka hor wuxuu ahaa niyad-samaan iyo inay suurtogal tahay in laacibka reer Argentine uu ugu yaraan dhamaysto heshiiskiisa oo uu Catalonia sii joogo illaa 2021, hase yeeshee saddex maalmood ka hore ayay arrimuhu isbeddeleen.

Waraysi uu bixiyey Eric Abidal oo ah Agaasimaha ciyaaraha ee Barcelona, ayaa waxa uu noqday qarax lagu dhex tuuray kooxda tunka weyn, waxaana uu xusay in caydhinta tababarihii hore ee Ernesto Valverde ay ka dambeeyeen ciyaaryahanno aanu magacaabin, balse waxa si adag uga jawaabay Lionel Messi oo ka dalbaday in bedka lasoo dhigo ciyaaryahannada la maldahayo.

Arrintani waxay keentay in mugdi galo mustaqbalka Lionel Messi ee Barcelona, waxaana kasoo baxaya warar is khilaafsan oo tibaaxaya in xiddiga reer Argentine uu haysto dhawr sababood oo noqon karaya kuwa ka kexeeya Camp Nou, hase yeeshee ilo xogogaal ah ayaa Sky Sports u sheegay in Messi aanu wali gaadhin go’aan rasmi ah oo ku saabsan ka tegista Barcelona, waxaanay taaji jamaahiirta Blaugrana u noqotay niyad-dhis, hase yeeshee wali hadal rasmi ah oo kasoo baxay Messi ma jiro.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Sadex Arimood oo ku kellifi doona Lionel Messi inuu ka dhaqaaqo Barcelona oo uu cimrigiisa ciyaareed oo dhan usoo hibeeyey:-

1. Kooxda Messi:-Lionel Messi waxa la isku waafaqsan yahay inuu yahay ciyaartoygii ugu wanaagsanaa abid ee soo maray taariikhda Barcelona, laakiin kaliya Barca maaha, ee waxa ay dood ka taagan tahay haddii uu isagu yahay kan ugu fiicanaa abid caalamkaba.

Tani waxay keentay in dhamaan masuuliyadda kooxda isaga dhabarka loo saaro, waana sababta keentay in uu si degdeg ah uga falceliyo waraysigii Eric Abidal, waxaana usii dheer in uu yahay qofka ugu horreeya ee tababareyaasha kooxda si caddaan ah iyo si qarsoodi ahba u taageera.

Falcelintii uu ka bixiyey hadalkii Abidal, waxa uu bixiyey ishaaro ah in uu naftiisa ka bari yeelayo inuu qayb ka ahaa caydhintii Erenesto Valverde, isla markaana uu maamulka dusha uga tuurayo inay iyagu ahaayeen kuwa mashaqada dhex dhigay kooxda.

Xagaagii tegay, warbaahinta Spain waxay tabiyeen in Messi uu dalbaday in loo keeno ciyaaryahanno uu ku jiro Neymar si uu culayska badan uga furto, laakiin Barca ayaa ku fashilantay inay dib usoo ceshato laacibkeeda hore.

Saxeexii Philippe Coutinho ayaa u shaqayn waayey sidii la filayey, sidoo kalena Griezmann ayaa ku dhibaataysan kooxda, waxaana kaliya kooxdii ay guul ka sugaysaa Messi.

Dadku marka ay guul-darrada Barca iyo guulaheeda fiirinayaan, kaliya waxay ka eegaan sida uu Lionel Messi u ciyaaray, waxaanay dadka qaarkood ku tilmaamaan kooxdii Messi.

Si kastaba, qodobka ugu horreeya ee Messi ka kaxayn karaya Barcelona waxa uu yahay in dhamaan kooxdii isaga dhabarka loo saaray oo eeddeeda iyo ammaanteedaba uu ku kaliyeystay.

2:- Isku Halaynt Badan:- Messi mar walba waxa uu Barcelona u ahaa tiir-dhexaad ay aad ugu tiirsan tahay, kaas oo marka uu ka maqan yahay ay kooxduba u ekaato mid aan ahayn tii la yaqaanay, waxaanay taasi sii badatay markii uu ka tegay Neymar oo Barcelona ay noqotay mid sugta lugta Lionel Messi oo kaliya oo natiijooyinka u go’aamiya.

Xili ciyaareedkii 2016-17, Barcelona waxay dhalisay 116 gool oo 37 ka mid ah uu Lionel Messi saxeexay, waxaana uu ku darsaday 9 kale oo uu caawiye ka noqday. Isu-geynta, waxa uu ku lug yeeshay 46 gool. Xili ciyaareedkii xigay ee 2017-18, waxa uu Messi dhaliyey 34 gool iyo 12 uu caawiye ka noqday, waxaanay isugeynta goolasha uu ku lug yeeshay ay noqdeen 46 gool, iyadoo dhamaan goolasha ay kooxdu dhalisayna ahaayeen 99 gool.

2018-19 waxa uu xiddiga reer Argentine ku darsaday kooxdiisa 49 gool oo isugu jiray 36 uu dhaliyey iyo 13 uu caawiyey, waxaanay noqdeen kala badh goolasha kooxdiisu dhalisay xili ciyaareedka oo ahaa 90 gool horyaalka LaLiga.

Marka la eego rikoodhkiisan, Lionel Messi waxa uu u dhigmaa qayb ka mid ah kooxda, balse waxa u sii dheer, niyadda iyo kalsoonida ay ciyaaryahannada kale helaan inta uu garoonka ku jiro.

Hadda da’diisu waa 32 sannadood jir, waxaanu ku siqayaa in uu 33 dhowaan galo, balse caqliyan waa mid maskax badan, waxaanu ogyahay in uu soo dhaafay waqtigii uu figta sare ee xirfadeed taagnaa haddana kaliya hoos u dhac sugayo, taas oo ku keeni karta in eedaymo badan iyo culays isaga u gaar ah uu soo siyaado. Tani inta aanay imanin, Messi waxa uu ka fikirayaa in kooxdu ay kalideed is dabarto oo uu isagu dhinac uga baydho, shaqsiyanna uu raadiyo koox aanu kula kulmaynin cadaadis saayid ah.

3. In uu xirfaddiisa Ku tijaabiyo Meel kale:- Sannadkii 2017 ayay soo baxeen warar tibaaxayey in Messi uu doonayo in uu Pep Guardiola kula midoobo Manchester City, xilligaas oo kooxda reer England ay xilal u dhiibtay Txiki Bergiristain oo noqday Agaasimaha ciyaaraha oo ah isla xilkii uu ka hayey Barcelona ka hor intii aanu ka tegin iyo Ferran Soriano oo Madaxa Fulinta noqday.

Labadan shaqsi waxay u gacan haadiyeen Messi oo xilligaas la dhibaataysnaa kiisas kaga furnaa maxkamadaha Spain oo ku saabsanaa cashuuro uu la baxsaday, walina waxay yihiin kuwo ugu baaqaya in uu England cagaha soo dhigo oo uu tijaabiyo sida xirfaddiisa ciyaareed uga shaqayn karayso meelo ka baxsan kooxdiisa.

Xilligii uu Pep Guardiola joogay Barcelona, waxay ahayd waqti farxadeed oo tababaraha bidaarta leh uu maalin walba isku diyaarin jiray inuu damaashaadka farxadda leh la qaybsado Leo Messi.

Inkasta oo Pep uu meesha ka saaray wararka Messi, haddana laacibka reer Argentine waxa uu ku fikiri karaa inuu sannadaha ugu dambeeya ee noloshiisa diga-gogosho sameeyo si la mid ah Cristiano Ronaldo oo sannad ka hor ka tegay Real Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, saddexdan arrimood, waxay Lionel Messi ku keeni karaan in uu ka tago Barcelona dhamaadka xili ciyaareedka, laakiin dhinaca kale, waxa suurtogal ah inuu kusii negaado Camp Nou illaa dhamaadka 2021 amaba uu ogolaado inuu heshiis cuusub saxeexo.