Lionel Messi Oo Looga Digay Inuu Tago Horyaalka Premier League Yaase Yidhi Arinkaasi.

Lionel Messi Oo Looga Digay Inuu Tago Horyaalka Premier League Yaase Yidhi Arinkaasi.
Lionel Messi Oo Looga Digay Inuu Tago Horyaalka Premier League Yaase Yidhi Arinkaasi.

Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi ayaa looga digay inuu tago horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League haddii uu go’aansado inuu ka tago Barcelona dhamaadka xili ciyaareedka.

Messi ayaa la sheegay inuu doonayo inuu ka tago Barcelona kaddib khilaaf soo kala dhex galay masuuliyiinta naadiga, waxaana meelaha farta lagu fiiqayo ka mid ah horyaalka waddanka Ingiriska gaar ahaan Manchester City oo la tuhunsan yahay inay xiisaynayso, inkasta oo uu Pep Guardiola ka gaws-adaygay damacaas.

Halyeygii xulka qaranka France ee Emmanuel Petit oo muddo saddex sannadood ah u soo ciyaaray Arsenal iyo Chelsea iyo sannad dhextaal ahaa oo uu Barcelona ku soo qaatay, ayaa waxa uu sheegay in Messi uu ku fashilmi doono England haddii uu tago, waxaanu keenay sababo uu daliil uga dhigay dooddiisa.

Image result for Emmanuel Petit

Petit waxa uu tilmaamay in qaab ciyaareedka Messi aanu ku habboonayn England oo looga baahan yahay adkaysi jidheed iyo xoog, waxaanu yidhi “Haddii aan si daacad ah u hadlo, ilama aha in Messi uu ku habboon yahay cadaadiska England. Ma jecla isku-dhowaanshaha iyo dagaalka.

“Spain waa lagu ilaaliyaa isaga. Laakiin taageereyaasha ayay farxad u ahaan lahayd haddii ay arkaan isaga, laakiin ilama aha in koox sida Manchester City oo kale ah ay tusaale ahaan u dhaqaaqi karayso saxeexa Messi oo 32 jir ama 33 jir ah Haddii ay City doonayso inay iibsato, waxay isku dayi lahaayeen sannado ka hor.” Ayuu raaciyey.

Image result for Emmanuel Petit

Emmanuel Petit waxa uu ku dooday in Messi uu ka duwan yahay ROnaldo, gaar ahaan qaab dhismeedka jidheed, waxaanu yidhi: “Messi maaha Cristiano Ronaldo. Jidh ahaan, sidiisa oo kale miishiin uma aha. Ronaldo waa boqor, laakiin Messi oo 32 jir ah, kaliya laba sannadood oo kale ayuu heerka ugu sarreeya kusii ciyaari karaa. Xattaa isaga oo ka garab ciyaaraya ciyaaryahannada wanaagsan ee Barca, ma laha orodkiisii hore ama awooddii goysmada.”

Halyeyga reer France waxa kale oo uu tilmaamay in Lionel Messi uu ogyahay in waqtigii dhamaadka xirfaddiisa ciyaareed uu dhow yahay, waxaanu yidhi: “Waxa aan hubaa in uu ogyahay in dhamaadkiisu aanu dheerayn.”