Lionel Messi Ayaa Culays Ku Saaraya Inay Iibiyaan Xidiga Labaad Ee Ugu Wanaagsan Kooxda Barcelona?

Lionel Messi Ayaa Culays Ku Saaraya Inay Iibiyaan Xidiga Labaad Ee Ugu Wanaagsan Kooxda Barcelona?
Waa Kuwee Kooxaha Ku Soo Biiray Helitaanka Ousmane Dembele u Ciyaara Kooxda Barcelona?

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa naadigiisa culays ku saaraya inay iibiyaan xiddiga labaad ee ugu wanaagsan naadiga ee isaga kusoo xiga marka la eego muhiimadda uu u leeyahay.

Messi ayaa u sheegay madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale  in marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaagan ay iibiyaan goolhayaha reer Germany ee Marc-Andre ter Stegen oo ahaa laacibka labaad ee ugu fiican naadiga marka laga eego bandhigga iyo waxqabadkiisa.

Marc-Andre ter Stegen oo qiimihiisa lagu sheegay inuu gaadhi karayo illaa $109 milyan, ayaa ka mid ah goolhayeyaasha ugu fiican dunida, iyagoo safka hore  ku wada jira Jan Oblak oo Atletico Madrid ah iyo Alisson Becker oo Liverpool goolka u haya.

Sida  uu qoray wargeyska Diario GOL ee kasoo baxa waddanka Spain oo ay soo xigatay jariidadda caanka ah ee The Times, Messi waxa uu usoo jeediyey Barcelona inay xagaagan suuqa dhigaan goolhayaha oo ay beddelkiisa ka doontaan suuqa.

Labada wargeys midkoodna ma sheegin sababta, laakiin waxa uu Ter Stegen diiddan yahay inuu kordhiyo heshiiskiisa oo ay labada sannadood ka hadhsan tahay, waxaana sababta ugu weyn ay tahay in loo kordhiyo mushaharka oo loo qaadhsiiyo illaa $17 milyan sannadkii.

Kooxda Chelsea ayaa la sheegay inay xiisaynayso Ter Stegen, halka Barcelona ay doonayso inay dib usoo ceshato goolhayaha Ajax ee Andre Onana.

Dalabkan Messi ayaa kusoo beegmay xilli ay kooxdu ku jirto dhibaato dhinaca maamulka ah oo toddobaad ka  hor ay iscasileen lix masuul oo agaasimeyaal iyo Madaxweyne ku-xigeenno iskugu jira.