Lacagta Ay Kooxda Man United u Soo Bandhigtay Jadon Sancho Miyuu Ku Qancay Mise Wali Waxaa Jira Saluug?

Xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ayaa Kooxda Man United u soo bandhigtay heshiis uu todobaadkii ku qaadan doono lacag dhan 400 kun oo Gin hadii uu ku soo biiro Old Trafford xagaaga.

20 jirka ayaa qaab ciyaareed fician ku jira xilli ciyaareedkan waxana uu kooxdiisa Borussia Dortmudn u dhaliyay 17gool halka uu caawiye ka noqday 19 kale 35 kulan oo tartamada oo dhan ah.

United ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga reer England iyaga oo doonaya in ay ka garab ciyaarsiiyaan xiddiga ay isku dalka yihiin ee Marus Rashford.

Man Utd make decision on Jadon Sancho and two transfers - contract ...

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Kooxda Man United xiddiga 20 jirka ah u soo bandhigtay mushahar waali ah oo uuna waligiis ku riyoon si ay ugu qanciso in uu yimaado Old Trafford.

Man United ayaa xiddiga reer England u soo bandhigtay mushahar uu todobaadkii ku qaadan doono 400 kun oo Gini todobaadkii taas oo kaga mid dhigaysa xiddigaha ugu mushaharka badan adduunka sidoo kale ka dhigaysa xiddiga ugu mushaharka badan premier League.