Home League 1

Kylian Mbappé Oo Kooxda Liverpool u Gudbisay Dalab Rasmi ah?

Kylian Mbappé Oo Kooxda Liverpool u Gudbisay Dalab Rasmi ah?
Kylian Mbappé Oo Kooxda Liverpool u Gudbisay Dalab Rasmi ah?

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool dalab Rasmi ah ka gudbisay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappé si ay u helaan saxiixiisa xagaaga.

Xiddiga reer France ayaa kooxo badan lala xidhiidhinayay wakhtigii ugu dambeeyay iyada oo ay kooxahaas ka mid yihiin kooxaha Liverpool & Real Madrid.

Wargayska eldesmarque ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool si xoogan u doonayso saxiixa Kylian Mbappé dhamaadka xilli ciyaareedkan haatan lagu jiro.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool Kylian Mbappé miiska u saartay dalab Rasmi ah xilli ay doonayso in ay baanka u jabiso saxiixiisa.

Jurgen Klopp oo aan xagaagii hore suuqa galin ayaa doonaay in uu kooxdiisa keeno xiddigo ka caawiya in ay sii wado ku guulaysiga koobabka sanadaha soo socda.