Kuwii Ku Soo Guulaystay Iyo Kuwii Aan Hanan Koobka Champions League Ayaa Shabakada Goal Ka Samaysay Shaxdan Cajiibka ah.

Kuwii Ku Soo Guulaystay Iyo Kuwii Aan Hanan Koobka Champions League Ayaa Shabakada Goal Ka Samaysay Shaxdan Cajiibka ah.
Kuwii Ku Soo Guulaystay Iyo Kuwii Aan Hanan Koobka Champions League Ayaa Shabakada Goal Ka Samaysay Shaxdan Cajiibka ah.

Shabakada Goal oo caan ku ah ka faaloonta dhinacyada kala duwan ee kubadda cagta iyo warbixinooyinka ayaa laba shaxood oo xoogan ka samaysay xiddigaha kusoo guuleystay tartanka xiisaha badan ee Champions League iyo kuw aan kusoo guuleysan.

Aan ku bilawnee shaxda xiddigaha hal mar iyo wax ka badan soo hantay CL ayuu goolka masuul uga yahay halyeey Iker Casillas halka ay afarta daafac yihiin Carles Puyol, Nesta, Paolo Maldini iyo Sergio Ramos waana saf daafac oo ay adakaan lahayd in xataa fursad lagu helo.

Saddexleyda dhexda ee shaxdan ayaa ah Steven Gerrard oo Liverpool kusoo hoggaamiyay tartankaas iyo xiddigihii mashiinka khadka dhexe ee Barcelona ee Andres Iniesta iyo Xavi Hernandez.

Saddexleyda weerar ee shaxdan ayaa ah tababaraha haatan ee Real Madrid ee Zinadine Zidane iyo xiddigaha ku dagaalama heerarka ugu sarreeya ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Dhinaca kale shaxda xiddigaha aan kusoo guuleysan CL ayuu goolka ugu jiraa halyeey Gigi Buffon halka ay afarta daafac yihiin Lillian Thuram, Cannavaro, Chiellini, iyo Zambrotta.

Saddexleyda khadka dhexe ayaa ah mucjisadii kubadda cagta ee Diego Maradona, Kabtankii mudada dheer ee AS Roma ee Francesco Totti iyo iyo kabtankii Arsenal ee Vieira.

Saddexda weerarka ee shaxdan ayaa ah halyeeyga reer Argentina ee Batistuta, Hoggaankii ree Brazil ee Ronaldo Nazario iyo Zlatan Ibrahimovic.