Home Wararka Maanta

Kulanka Galabta Laga Ciyaari Doono Horyaalka Somali Premier League?

Kulanka Galabta Laga Ciyaari Doono Horyaalka Somali Premier League?
Kulanka Galabta Laga Ciyaari Doono Horyaalka Somali Premier League?

Kulan Ka Mida Horyaalka Somali Premier League Ayaa Laga Ciyaari Doonaa Garoonka Kubada Cagta Eng Yariisow Stadium Ee Magaalada Muqdisho.

Kooxaha Raadsan SC iyo Rajo SC Ayaa Markay Goor Sheegtu Soo Gaadho 03:30 Casarnimo Kuwada Ciyaari Doona Garoonka Eng Yariisow Stadium Degmada Cabdicasiis Ee Magaalada Muqdisho.

Waa Kulankii 53.aad Ee Horyaalka Somali Premier League Sidoo Kale Waa Kulankii 11.aad Ee Xili Ciyaareedkan Hadaba Maxaynu Ka Ognahay Labadan Kooxood.

Kooxda Raadsan Ayaa Kulankii u Danbeeyey Looga Soo Badiyey 0-5 Waxaana Ahaa Kulankii Kooxda Gaadiidka Ay La Ciyaareen.

Kooxda Rajo Waxay Kulankii u Danbeeyey Iyadana Looga Badiyey 5-0 Waxaana Ahaa Kulankii Ay Kooxda Mogdisho City Club Uga Soo Badisay Kooxdan Rajo Oo Iyadu Horyaalka Xili Ciyaareedkan La Kulantay Todoba Kulan Oo Guuldaro ah.

Kooxaha Raadsan Iyo Rajo Waxay Kulankoodan Noqon Doonaa Mid Xiiso Wata Marka Loo Eego Kulamadii u Danbeeyey Ee Ay La Soo Kala Ciyaareen Kooxaha Gaadiidka Iyo MCC Oo Min Natiijo Isku Mid ah La Kulmeen Waana 5-0.

Kooxda Raadsan Waxay Hada Ku Jirtaaa Kaalinta 7.aad Halka Kooxda Rajo Ay Tahay Kooxda Ku Jirta Kaalinta 10.aad Ee Xili Ciyaareedkan.

17-Rajab-1441 Arbaca By Tayo Qaran AL-AhmåDi.