Kulanka Galabta Laga Ciyaari Doono Horyaalka Somali Premier League?

Kulanka Galabta Laga Ciyaari Doono Horyaalka Somali Premier League?
Kulanka Galabta Laga Ciyaari Doono Horyaalka Somali Premier League?

Kulan Ka Mida Horyaalka Somali Premier League Ayaa Laga Ciyaari Doonaa Garoonka Kubada Cagta Eng Yariisow Stadium Ee Magaalada Muqdisho.

Kooxaha Horseed iyo Heegan Ayaa Markay Goor Sheegtu Soo Gaadho 03:30 Casarnimo Kuwada Ciyaari Doona Garoonka Eng Yariisow Stadium Degmada Cabdicasiis Ee Magaalada Muqdisho.

Labadan Kooxood Kulamadii Ay Hore u Wada Ciyaareen Waxaa Laba Kulan Badisay Kooxda Ciidanka Booliska Ee Heegan, Laba Kulan Waxay Wada Galeen Barbaro Waxaana Xusid Mudan In Kooxda Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Ee Horseed Ay Tahay Koox Laga Awood Sheegtay Afartaasi Kulan Ee Ugu Danbeeyey Horyaalkan Intii Ay Ciyaareen.

Kooxda Horseed Kulankii Ugu Danbeeyey Waxay 1-0 Uga Soo Badisay Kooxda Midnimo Waxayna Haystaan 15-Dhibcood Oo Horyaalka SPL ah.

Image may contain: 1 person, standing and outdoor

Kooxda Heegan Kulankii Ugu Danbeeyey Waxay 2-1 Uga Soo Badisay Kooxda Rajo FC.


Kooxda Ciidanka Booliska Soomaaliya Ee Heegan Waxaa Kulanka Galabta Ka Maqnaan Doona Ciyaartoyda kala ah Feysam Iyo Abuna Kuwaasi Oo u Wada Dhashay Wadanka Yugaandha Kuna Seegaya Kaadhadh Digniin ah.


Labadan Kooxood Waxay Ku Hirdami Doonaan Ciyaarta Loo Yaqaano Isla Xisaabtanka Waxaana Xusid Mudan In Kooxda Horseed Leedahay 15-Dhibcood, Halka Kooxda Heegan Leedahay 14-Dhibcood Waana Kulan Labada Kooxood Ku Xisaabtamayaan Khasaare Soo Kala Gaadha.

01-Rajab-1441 Isniin By Tayo Qaran AL-AhmåDi.