Kulanka Galabta Iyo Kooxaha Ciyaari Doona Tartanka Sonyo Cup?

Kulanka Galabta Iyo Kooxaha Ciyaari Doona Tartanka Sonyo Cup?
Kulanka Galabta Iyo Kooxaha Ciyaari Doona Tartanka Sonyo Cup?

Iyadoo Shalay Galab uu Si Toos ah u Bilowday Koobka Sonyo Cup Garoonka Hargeisa Stadium Ee Degmada Axmed Dhagax Magaalada Hargeysa Ayaa Galabtana Waxaana Jira Hal Kulan Hadii Alle Idhaahdo.

Kooxaha Ciidanka Asluubta Iyo Xidigaha Boorama Ayaa Wada Ciyaari Doona Markay Saacadu Soo Gaadho 03:00 Casarnimo Hadii Alle Idhaahdo Waxaana Labadan Kooxood Ku Wada Jiraan Group A Oo Ay Kula Jiraan Kooxaha Wasaarada Maaliyada Hargeysa Iyo Dowlada Hoose Hargeysa.

Kooxda Ciidanka Asluubta Hargeysa Ayaa Doorkan Waxay Tartanka Kooxaha Heerka Koowaad Ciyaari Doontaa Iyadoo Macalinkeedii Hore Faysal Dheere Ka Tagay Kooxda Laguna Badalay Macalinka Hada Layliya Kooxda Waa Macalin Cabdi Riyaad.

Sidoo Kale Isla Kooxda Asluubta Waxaa Ka Tagay Ciyaartoy Ay Ka Mid Yihiin Zallo Cumar Iyo Mowliid Kayse Oo Difaaca Uga Ciyaari Jiray Kooxdaasi Xili Ay Labadaasi Ciyaartoy Ku Kala Biireen Kooxaha Wasaarada Maaliyada Hargeysa Iyo Dowlada Hoose Hargeysa.

Waxaa Xusid Mudan In Kooxda Ciidanka Asluubta Ay Doorkan Dhanka Difaaca u Ciyaari Doonaan Xamse Saxardiid Oo Kooxda Kaga Soo Biiray Dhanka Kooxda Dowlada Hoose Hargeysa.

10-Rajab-1441 Arbaca By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.