Kulanka Galabta Iyo Kooxaha Ciyaari Doona Tartanka Sonyo Cup?

Kulanka Galabta Iyo Kooxaha Ciyaari Doona Tartanka Sonyo Cup?
Kulanka Galabta Iyo Kooxaha Ciyaari Doona Tartanka Sonyo Cup?

Iyadoo uu Socdo Wareegii Labaad Tartanka Sonyo Cup Garoonka Hargeysa Stadium Ee Degmada Axmed Dhagax Magaalada Hargeysa Ayaa Galabta La Ciyaari Doonaa Hal Kulan Oo Group C ah Hadii Alle Idhaahdo.

Kooxaha Ciidanka ah Ee Gaashaan Iyo Goodir Ayaa Wada Ciyaari Doona Markay Saacadu Soo Gaadho 03:45 Casarnimo Hadii Alle Idhaahdo.

Waxaa Xusid Mudan In Kooxda Ciidanka Booliska Ee Goodir Lugtii Koowaad Ay 2-1 Uga Soo Badisay Kooxda Wasaarada Xanaanada Xoolaha Ee Waxool.

Kooxda Ciidanka Qaranka Ee Gaashaan Waxaa Iyaduna Lugtii Koowaad Barbaro 2-2 ah La Gashay Kooxda Wasaarada Ganacsiga Hargeysa.

Kulanka Galabta Ayaa Noqon Doona Kulan Xiiso Gaara Leh Marka Laga Eegayo Labadan Kooxood Ee Ciidanka ah Kuwaasi Oo Aan Mudo Sadex Sano ah Wada Ciyaarin Maantana Nasiibku Isku Keenay Oo Wada Ciyaari Doona Hadii Alle Idhaahdo.

21-Rajab-1441 Axad By Tayo Qaran AL-AhmåDi.