Kulanka Galabta Iyo Kooxaha Ciyaari Doona Tartanka Sonyo Cup?

Kulanka Galabta Iyo Kooxaha Ciyaari Doona Tartanka Sonyo Cup?
Kulanka Galabta Iyo Kooxaha Ciyaari Doona Tartanka Sonyo Cup?

Iyadoo uu Shalay Soo Dhamaaday Wareegii Labaad Tartanka Sonyo Cup Garoonka Hargeysa Stadium Ee Degmada Axmed Dhagax Magaalada Hargeysa Ayaa Galabta La Ciyaari Doonaa Hal Kulan Oo Group A ah Hadii Alle Idhaahdo Waana Wareegii Sadexaad.

Kooxaha Dowlada Hoose Hargeysa Iyo Xidigaha Boorama Ayaa Wada Ciyaari Doona Markay Saacadu Soo Gaadho 03:45 Casarnimo Hadii Alle Idhaahdo.

Kooxda Dowlada Hoose Hargeysa Lugtii Koowaad Waxaa Looga Soo Badiyey 1-2 Oo Kooxda Wasaarada Maaliyada Hargeysa Ka Soo Badisay, Waxay Lugtii Labaad Dowlada Hoose Hargeysa Iyaduna 2-1 Uga Soo Badisay Kooxda Ciidanka Asluubta Hargeysa.

Kooxda Xidigaha Boorama Lugtii Koowaad Waxay Barbaro 2-2 ah Wada Galeen Kooxda Ciidanka Asluubta, Halka Lugtii Labaad Ay Kooxdan Xidigaha Boorama Ay Guuldaro 1-6 Kala Kulantay Kooxda Wasaarada Maaliyada Hargeysa.

23-Rajab-1441 Salaasa By Tayo Qaran AL-AhmåDi.