Home SONYO CUP

Kulanka Galabta Iyo Kooxaha Ciyaari Doona Tartanka Sonyo Cup?

Kulanka Galabta Iyo Kooxaha Ciyaari Doona Tartanka Sonyo Cup?
Kulanka Galabta Iyo Kooxaha Ciyaari Doona Tartanka Sonyo Cup?

Iyadoo uu Socdo Wareegii Labaad Tartanka Sonyo Cup Garoonka Hargeysa Stadium Ee Degmada Axmed Dhagax Magaalada Hargeysa Ayaa Galabta La Ciyaari Doonaa Hal Kulan Oo Group C ah Hadii Alle Idhaahdo.

Kooxaha Wasaaradaha ah Ee Xanaanada Xoolaha Hargeysa Iyo Ganacsiga Hargeysa Ayaa Wada Ciyaari Doona Markay Saacadu Soo Gaadho 03:45 Casarnimo Hadii Alle Idhaahdo.

Waxaa Xusid Mudan In Kooxda Wasaarada Xanaanada Xoolaha Ee Waxool Lugtii Koowaad Ay Kooxda Goodir Kala Kulantay Guuldaro 1-2 ah.

Kooxda Wasaarada Ganacsiga Ay Iyaduna Lugtii Koowaad Barbaro 2-2 ah La Gashay Kooxda Ciidanka Qaranka Ee Gaashaan.

Kulankan Galabta Ayaa Guud Ahaan Soo Xidhi Doona Wareegii Labaad Tartanka Sonyo Cup Wixii Warar ah Ee Ku Saabsan Tartanka Kala Soco Mar Kasta Iyo Meel Kasta Bahda Malcab Oo Kuugu Heelan Soo Tabinta Wararkan Insha Allah.

22-Rajab-1441 Isniin By Tayo Qaran AL-AhmåDi.