Kulamadii Todobaadkan Halkee La Kala Marayaa Miiska Kala Saraynta Kabta Dahabka ah Ee Horyaalka Qaarada Yurub.

Kulamadii Todobaadkan Halkee La Kala Marayaa Miiska Kala Saraynta Kabta Dahabka ah Ee Horyaalka Qaarada Yurub.
Kulamadii Todobaadkan Halkee La Kala Marayaa Miiska Kala Saraynta Kabta Dahabka ah Ee Horyaalka Qaarada Yurub.

Si lamid ah sida ay heer xamaasad sarre leh u marayaan tartamada kala duwan ee u dhaxeeya kooxaha ugu waaweyn Yurub sidoo kale waxa sii kululaanaya loolanka kabta dahabka ah ee qaarada Yurub.

Lionel Messi ayaa xilli ciyaareedkii hore kusoo guuleystay abaalmarintan markiisii lixaad abid iyo markiisii saddexaad ee xidhiidh ah waxaana uu markale xilli ciyaareedkan isku diyaarinayaa sidii uu ugu tartami lahaa.

Dhinaca kale Cristiano Ronaldo oo xilli ciyaareedkii hore si aan looga baran uga hadhay tartanka abaalmarintan ayay shaki la’aan tahay inuu si weyn ugu hamuun qabi markan hanashadeeda.

Si kastaba, Waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa liiska 15-ka xiddig ee ugu sarreeya haatan tartanka kabta dahabka ah ee qaarada Yurub.

Xiddiga hoggaanka haya ayaa ah weeraryahanka wacdaraha dhigaya ee kooxda Lazio ee Ciro Immobile, Xiddigaas oo toddobaadkan markale saddexley indhaha ku xaday ayaa tartanka la durkay waxaana uu leeyahay 23 gool iyo 46 dhibcood.

Weeraryahanada horyaalka Bundesliga ee Robert Lewandowski iyo Timo Werner ayaa ah kuwa ugu dhaw ee cadaadiska ku haya iyagoo leh min 20 gool iyo 40 dhibcood.

Booska saddexaad ayuu ku jiraa weeraryahanka Leicester City ee Jamie Vardy oo 17 gool soo dhaliyay 34 dhibcoodna soo diiwaan gashaday halka Ronaldo oo dhawaanahan gool dhalintiisu joogto tahay uu 32 dhibcood leeyahay kaddib 16 gool oo ay ku jireen laba uu xalay Parma ka dhaliyay.

Sergio Aguero ayaa 30 dhibcood leh kaddib 15 gool oo uu Man City uga soo dhaliyay PL waxaana ku dhibco ah da’yarka Erling Haaland oo Borussia Dortmund toddobaadkan saddexley u dhaliyay looguna darayo goolashiisii kooxdii hore ee RB Salzburg.

Lionel Messi, Aubameyang, Marcus Rashford, Romelu Lukaku, Ben Yedder iyo Danny Ings ayaa dhammaantood min 14 gool iyo 28 dhibcood leh.

Halkan Kaga Boggo 15-ka Sarre Oo Dhammaystiran

1 Ciro Immobile | Lazio | 23 goals (46)

2 Robert Lewandowski | Bayern Munich | 20 goals (40)

3 Timo Werner | RB Leipzig | 20 goals (40)

4 Jamie Vardy | Leicester City | 17 goals (34)

5 Cristiano Ronaldo | Juventus | 16 goals (32)

6 Sergio Aguero | Manchester City | 15 goals (30)

7 Erling Braut Haaland | Red Bull Salzburg/Borussia Dortmund | 19 goals (30)

8 Lionel Messi | Barcelona | 14 goals (28)

9 Pierre-Emerick Aubameyang | Arsenal | 14 goals (28)

10 Marcus Rashford | Manchester United | 14 goals (28)

11 Romelu Lukaku | Inter | 14 goals (28)

12 Wissam Ben Yedder | Monaco | 14 goals (28)

13 Danny Ings | Southampton | 14 goals (28)

14 Kylian Mbappe | PSG | 13 goals (26)

15 Tammy Abraham | Chelsea | 13 goals (26)