Kulamada Champions League Iyo Europa League Ayaa La Ciyaari Doonaa Maalmaha Sabtida Iyo Axada Waxaana Sidaasi Sheegtay UEFA?

Kulamada Champions League Iyo Europa League Ayaa La Ciyaari Doonaa Maalmaha Sabtida Iyo Axada Waxaana Sidaasi Sheegtay UEFA?
Kulamada Champions League Iyo Europa League Ayaa La Ciyaari Doonaa Maalmaha Sabtida Iyo Axada Waxaana Sidaasi Sheegtay UEFA?

Xanuunka Coronavirus ee dunida dhibaatada ku haya, waxa uu isbeddel ku keenay jadwaladdii caadiga ahaa ee ciyaaraha, waxaanu sababay in dib loo dhigo tartamada qaramada qaaradaha Yurub iyo Latin America ee Euro 2020 iyo Copa America 2020, sidoo kalena waxa halis ku jira ciyaaraha olambikada oo badhtamaha sannadkan qorshaysan in lagu qabto Japan.

Ciyaaraha horyaallada ayaa muddo bil ah taagan, waxaana jira kooxo badan oo soo sheegaya ciyaartooygeeda oo uu ku dhacay Coronavirus, gaar ahaan waddamada Spain iyo Talyaaniga.

Shir ay shalay isugu yimaaddeen xubnaha UEFA ayaa waxa lagu go’aamiyey in dhamaan horyaalladu ay dhamaadaan inta ka horreysa June 30 ee sannadkan, sidoo kalena ciyaaraha finalka Champions League iyo Europa League ayaa loo qoondeeyey inay noqdaan isla June.

Maadaama badhtamaha sannadka dambe ee 2021 la qaban doono Euro 2021 iyo Copa America 2021, waxa horyaallada xili ciyaareedka dambe ay tahay inay si degdeg ah u bilaabmaan si ay waqti hore u dhamaadaan, sidaas oo kalena waxay tahay in fasal ciyaareedkan socda laagu dhamaystiro xilliga loo qorsheeyey, hase yeeshee, haddii xanuunka Coronavirus uu sii jiro, maxaa la yeeli doonaa?

Kulamada Champions League ayaa la sheegay in la ciyaari doono laba maalmood oo Sabti iyo Axad sidoo kalena laga yaabo in Salaasada iyo Arbacada lagu daro, si waqti hore ay u dhamaadaan.

War-saxaafadeed ay shalay soo saartay UEFA, ayaa waxa lagu sheegay in ay suurtogal tahay in ciyaaraha Champions League iyo Europa League la ciyaaro maalmaha Sabtida iyo Axadda ee ay gaaladu u taqaano ‘dhamaadka usbuuca’, halka tartamada maxalliga ahna  loo rari doono badhtamaha usbuuca.

“Xadidaadaha suurrtogalka ah ama in wax laga dhimo jadwalka hadda, waxay sababi karayaan in tartamada xilliyda la ciyaarayo kulamada maxalliga ah loo raro badhtamaha usbuuca iyo tartamada UEFA oo ciyaarahooda la geeyo dhamaadka usbuuca (Sabti iyo Axad” ayay tidhi UEFA.