Kooxdiisii Ayuu Ku Ciil Baxay Markii La Bilaabay Mushahar Jarida Kooxda Barcelona Waa Kuma Hadaba Ciyaartoygaasi?

Kooxdiisii Ayuu Ku Ciil Baxay Markii La Bilaabay Mushahar Jarida Kooxda Barcelona Waa Kuma Hadaba Ciyaartoygaasi?
Kooxdiisii Ayuu Ku Ciil Baxay Markii La Bilaabay Mushahar Jarida Kooxda Barcelona Waa Kuma Hadaba Ciyaartoygaasi?

Difaaca Barcelona ee Gerard Pique waxa uu ka mid ahaa xiddigihii ugu horreeyey ee Barcelona ay ku fulisay go’aankeedii ay mushahar dhimista boqolkiiba toddobaatanka ah ku samaysay, taas oo isaga iyo dhamaan laacibiinta kale ee kooxdu ay ku jirayaan muddada ay jirto dhibaatada Coronavirus ee ay caadi kusoo noqonayaan ciyaaruhu.

Pique oo ah mulkiilaha kooxda FC Andorra ee kadhisan gobolka Catalonia oo uu iibsaday sannadkii 2018, waxa isagana qasab ku noqotay in uu u jeedsado kooxdiisa oo uu ka fikiro sidii ay dhaqaale ahaan usii jiri lahayd muddada ay taagan tahay dhibaatada dhaqaale ee naadiyada waaweyn ba ka qayliyeen.

Ciyaartoyga kooxdiisa FC Andorra, Pique ula dhaqmin sida ay Barcelona yeeshay ee ay mushaharka 70% uga jartay, laakiin xoogaa naxariis ah ayuu u muujiyey waxaanu go’aamiyey in 45% la dhimo mushaharka.

Ferran Vilaseca oo ah madaxweynaha kooxda Gerard Pique ee FC Andora ayaa shaaciyey go’aanka ay qaateen ee ay ku yaraynayaan mushaharka ciyaartoyda iyo shaqaalaha.

“Waa sida kaliiya ee aanu samayn karayno si waafaqsan ERTE (Mushahar dhimista ku-meelgaadhka ah), taas oo kooxaha kale ee reer Spain ay samaynayaan.” Ayuu yidhi Ferran Vilaseca oo u warramay wargeyska El Mundo.

“Waxaanu aad ugu faraxsanahay jawaabta kooxda. Qof walba wuu fahamsan yahay xaaladda aan caadiga ahayn iyo isbeddelka lagu jiro.” Ayuu raaciyey.

Vllaseca waxa uu sheegay in Pique uu soo rogay amarka lagu dhimayo mushaharka ciyaartoya, waxaanu yidhi: “Gerard Pique ayaa ugu sarreeya kooxda. Waxa uu fahmaa ciyaartoyda, waxaanu uga mahad-celiyey waxa ay samaynayaan.”