Kooxda Xidigaha Cirka Ayaa Guul Ku Bilaabatay Wareegii Labaad Tartanka Sonyo Cup?

Kooxda Xidigaha Cirka Ayaa Guul Ku Bilaabatay Wareegii Labaad Tartanka Sonyo Cup?
Kooxda Xidigaha Cirka Ayaa Guul Ku Bilaabatay Wareegii Labaad Tartanka Sonyo Cup?

Kooxda Xidigaha Cirka Ayaa 2-1 Uga Soo Badiyey Kooxda Dp World Berber Tartanka Sonyo Cup Garoonka Hargeysa Stadium Degmada Axmed Dhagax Ee Magaalada Hargeysa.

Qaybta Hore Ayaan Wax Goolal ah La Kala Dhashan Xili Ay Ku Soo Idlaatay Barbaro 0-0 ah Waxaana Kulankan Dhexdhexaadiye Ka Ahaa Yuusuf Yosila Waxaana Loo Gudbay Qaybtii Danbe.

Daqiiqadii 65.aad Kooxda Xidigaha Cirka Ayaa Heshay Goolka Furitaanka Waxaana u Dhaliyey Sheekh Xamse.

Daqiiqadii 74.aad Kooxda Xidigaha Cirka Heshay Goolkeeda Labaad Waxaana u Dhaliyey Khadar Cabdilaahi.

Daqiiqadii 84.aad Kooxda Dp World Berbera Ayaa Heshay Goolkeeda Koowaad Waxaana u Dhaliyey Cabdicasiis Jamo.

Si Kastaba Kooxda Xidigaha Cirka Ayaa 2-1 Uga Soo Badiyey Kooxda Dp World Berber Tartanka Sonyo Cup Garoonka Hargeysa Stadium Degmada Axmed Dhagax Ee Magaalada Hargeysa.

21-Rajab-1441 Axad By Tayo Qaran AL-AhmåDi.