Home SONYO CUP

Kooxda Wasaarada Maaliyada Oo Guul Ku Bilaabatay Tartanka Sonyo Cup?

Kooxda Wasaarada Maaliyada Oo Guul Ku Bilaabatay Tartanka Sonyo Cup?
Kooxda Wasaarada Maaliyada Oo Guul Ku Bilaabatay Tartanka Sonyo Cup?

Kooxda Wasaarada Maaliyada Hargeysa Ayaa 2-1 Uga Soo Badisay Kooxda Dowlada Hoose Hargeysa Tartanka Sonyo Cup Garoonka Hargeisa Stadium Degmada Axmed Dhagax Ee Magaalada Hargeysa.

Daqiiqadii 36.aad Kooxda DHH Ayaa Heshay Goolka Furitaanka Waxaana u Dhaliyey Khadiir Mustafe Xili Khadiir uu Noqday Gool Dhaliyihii Koowaad Ee Sonyo Cup.

Daqiiqadii 42.aad Waxaa Kaadhka Casaanka Lawada Siiyey Saleebaan Cali Oo Kooxda Wasaarada Maaliyada ah Iyo Xamse Kayse Oo Kooxda Dowlada Hoose Hargeysa ah.

Daqiiqadii 45+2 Ayaa Waxaa Goolka Barbaraha La Timid Kooxda Wasaarada Maaliyada Waxaana u Dhaliyey Cabdalle Cabo.

Qaybta Hore Ayaa Lagu Kala Nastay Barbaro 1-1 ah Waxaana Kulankan Dhexdhexaadiye Ka Ahaa Maax Muuse Iyadoo Qaybtii Danbe Ee Ciyaarta Loo Gudbay.

Daqiiqadii 64.aad Koorne Ay Soo Laagatay Kooxda Wasaarada Maaliyada Hargeysa Oo Cabdalle Cabo Soo Laagay Ayaa Goolhayaha Kooxda DHH Iska Dhaliyey Xili Goolkaasi Noqday Iska Dhalin.

Si Kastaba Waxaa Kulankan Ku Soo Dhamaaday 2-1 Guushu Ku Raacday Kooxda Wasaarada Maaliyada Hargeysa Iyadoo Guul Ku Bilaabatay Tartanka Sonyo Cup.

10-Rajab-1441 Arbaca By Tayo Qaran AL-AhmåDi.