Home SONYO CUP

Kooxda Wasaarada Maaliyada Ayaa Guusheedii Labaad Gaadhay Xili Ay Wacdaro Dhigeen Bahdoon Iyo Jamaal Tartanka Sonyo Cup?

Kooxda Wasaarada Maaliyada Ayaa Guusheedii Labaad Gaadhay Xili Ay Wacdaro Dhigeen Bahdoon Iyo Jamaal Tartanka Sonyo Cup?
Kooxda Wasaarada Maaliyada Ayaa Guusheedii Labaad Gaadhay Xili Ay Wacdaro Dhigeen Bahdoon Iyo Jamaal Tartanka Sonyo Cup?

Kooxda Wasaarada Maaliyada Hargeysa Ayaa 6-1 Uga Soo Badisay Kooxda Xidigaha Boorama Xili Maalintii Sideedaad Uu Galay Tartanka Sonyo Cup Garoonka Hargeysa Stadium Degmada Axmed Dhagax Ee Magaalada Hargeysa.

Daqiiqadii 43.aad Kooxda Wasaada Maaliyada Hargeysa Ayaa Heshay Goolka Furitaanka Waxaana u Dhaliyey Bahdoon Mario.

Qaybta Hore Ayaa Lagu Kala Nastay 1-0 Hogaanka Ciyaarta Hayso Kooxda Wasaarada Maaliyada Hargeysa Xili Uu Kulankan Dhexdhexaadiye Ka Ahaa Daahir Gacayte Iyadoo Loo Gudbay Qaybtii Danbe Ciyaarta.

Daqiiqadii 57.aad Kooxda Wasaarada Maaliyada Hargeysa Ayaa Heshay Goolkeeda Labaad Waxaana u Dhaliyey Jamaal Cabdilaahi.

Daqiiqadii 62.aad Goolkii Sadexaad Ayey Heshay Kooxda Wasaarada Maaliyada Hargeysa Waxaana Mar Kale u Dhaliyey Bahdoon Mario.

Daqiiqadii 65.aad Kooxda Xidigaha Boorama Ayaa Helay Goolka Madiga ah Waxaana u Dhaliyey Bile Nuur Xili Ciyaartu Noqotay 3-1 Hogaanka Ciyaartana Ay Hayso Kooxda Wasaarada Maaliyada Hargeysa.

Daqiiqadii 69.aad Kooxda Wasaarada Maaliyada Goolkii Afaraad Ayey Dhaliyeen Markaan Waxaana u Dhaliyey Mar Kale Jamaal Cabdilaahi.

Daqiiqadii 85.aad Kooxda Wasaarada Maaliyada Ayaa Heshay Goolkeeda Shanaad Waxaana Markale Dhaliyey Bahdoon Mario.

Daqiiqadii 91.aad Kooxda Wasaarada Maaliyada Ayaa Dhalisay Goolkeeda Lixaad Waxaana Mar Kale Dhaliyey Jamaal Cabdilaahi.

Waxaa Xusid Mudan In Jamaal Cabdilaahi Iyo Bahdoon Mario Ay Kulankan Dhaliyeen Min 3-Gool Iyagoo Sidaasi Ku Soo Galay Liiska Gool Dhalinta Oo Sadex Ciyaartoy Hogaaminayaan.

Si Kastaba Kooxda Wasaarada Maaliyada Hargeysa Ayaa 6-1 Uga Soo Badisay Kooxda Xidigaha Boorama Xili Ay Hogaaminayso Group A Tartanka Sonyo Cup Garoonka Hargeysa Stadium Degmada Axmed Dhagax Ee Magaalada Hargeysa.

17-Rajab-1441 Arbaca By Tayo Qaran AL-AhmåDi.