Kooxda Wasaarada Caafimaadka Oo Heshiis Cusub La Saxiixatay Ciyaartoy Ka Mid Noqday Kooxdaasi?

Kooxda Wasaarada Caafimaadka Oo Heshiis Cusub La Saxiixatay Ciyaartoy Ka Mid Noqday Kooxdaasi?
Kooxda Wasaarada Caafimaadka Oo Heshiis Cusub La Saxiixatay Ciyaartoy Ka Mid Noqday Kooxdaasi?

Kooxda Wasaarada Caafimaadka Oo Ka Mida Kooxaha Heerka Koowaad Ee Caasimada Hargeysa Ka Dhisan Ayaa Heshiis La Saxiixatay Ciyaartoy Cabdifataax Ganto Oo Hada Si Rasmi ah Uga Mid Noqday Kooxdaasi.

Heshiiska Kooxda Wasaarada Caafimaadka Hargeysa Ay Ku Soo Bandhigaysay Cabdifataax Axmed Aw Cali Waxaa Goobta Lagu Saxeexayay Ku Sugnaa Gudoomiyaha Kooxda Casoowe, Macalinka Kooxda Macalin Jaamac Iyo Kaptanka Kooxda Guuleed Kayse.

Ciyaartoy Cabdifataax Ganto Ayaa Kulankiisii Ugu Horeeyey Kooxda Wasaarada Caafimaadka u Ciyaaray Tartanka Sonyo Cup Waxaana Xusid Mudan In Uu u Dhaliyey Tiraba Goolal Sadex Gool ah Laba Kulan Oo Uu Ka Ciyaaray Tartankaasi.

Waxaa Xusid Mudan In Cabdifataax Ganto Uu Laba Gool Ka Dhaliyey Kooxda Xidigaha Cirka Hargeysa Lugtii Koowaad Tartanka Sonyo Cup Waana Kulankii Kooxda Wasaarada Caafimaadka Hargeysa Ay 4-3 Uga Soo Badisay Kooxdaasi.

Sidoo Kale Kulankii Kooxda Wasaarada Caafimaadka Hargeysa Ay 3-1 Uga Soo Badisay Kooxda Wasaarada Biyaha Hargeysa Waxaana Uu Cabdifataax Ganto Kulankaasi Ka Dhaliyey 1-Gool Waana Wareegii Labaad Tartanka Sonyo Cup.

Si Kastaba Cabdifataax Ganto Ayaa Ka Mid Ah Weerarada Kooxda Wasaarada Caafimaadka Hargeysa Waxaana La Sugaa Dib u Bilaabashada Koobka Sonyo Cup Oo Hada Fasax Ku Jira.

16-Shabcaan-1441 Khamiis By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.