Kooxda Wasaarada Caafimaadka Oo Guul Ku Bilaabatay Tartanka Sonyo Cup?

Kooxda Wasaarada Caafimaadka Oo Guul Ku Bilaabatay Tartanka Sonyo Cup?
Kooxda Wasaarada Caafimaadka Oo Guul Ku Bilaabatay Tartanka Sonyo Cup?

Kooxda Wasaarada Caafimaadka Hargeysa Ayaa 4-3 Uga Soo Badisay Kooxda Xidigaha Cirka Hargeysa Tartanka Sonyo Cup Garoonka Hargeysa Stadium Degmada Axmed Dhagax Ee Magaalada Hargeysa.

Daqiiqadii 13.aad Ayaa Kooxda Wasaarada Caafimaadka Hargeysa Heshay Goolka Furitaanka Waxaana Madax Ku Dhaliyey Cabdiwaduud.

Daqiiqadii 26.aad Kooxda Wasaarada Caafimaadka Hargeysa Ayaa Heshay Goolkeeda Labaad Waxaana u Dhaliyey Muuse Axmed.

Qaybta Hore Ayaa Lagu Kala Nastay 2-0 Hogaanka Ciyaarta Ay Hayso Kooxda Wasaarada Caafimaadka Hargeysa Xili Loo Gudbay Qaybtii Danbe Ciyaarta.

Daqiiqadii 50.aad Kooxda Xidigaha Cirka Ayaa Heshay Goolkeeda Koowaad Waxaana u Dhaliyey Cayto Oo Badal Ku SOo Galay Qaybtii Danbe Ciyaarta.

Daqiiqadii 58.aad Kooxda Xidigaha Cirka Ayaa Helay Goolkooda Labaad ama Barbaraha Waxaana u Dhaliyey Mustafe Umme.

Daqiiqadii 62.aad Kooxda Wasaarada Caafimaadka Hargeysa Ayaa Iska Dhalisay Gool Waxaana Ciyaartu Noqotay Barbaro 3-3.

Daqiiqadii 85.aad Kooxda Wasaarada Caafimaadka Hargeysa Ayaa Heshay Goolkeeda Sadexaad Waxaana u Dhaliyey Cabdifataax Ganto Jr Oo Badal Ku Soo Galay Qaybtii Danbe Ciyaarta.

Daqiiqadii 87.aad Kooxda Wasaarada Caafimaadka Hargeysa Ayaa Heshay Goolkeeda Afaraad Waxaana u Dhaliyey Cabdifataax Ganto Jr.

Si Kastaba Kooxda Wasaarada Caafimaadka Hargeysa Ayaa 4-3 Uga Soo Badisay Kooxda Xidigaha Cirka Hargeysa Tartanka Sonyo Cup Garoonka Hargeysa Stadium Degmada Axmed Dhagax Ee Magaalada Hargeysa Xili Kulankaasi Uu Dhexdhexaadiye Ka Ahaa Cabdicasiis Dheere.

11-Rajab-1441 Khamiis By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.