Kooxda Tottenham Ayaa Barbaro Kala Kulantay Kooxda Burnley?

Kooxda Tottenham Ayaa Barbaro Kala Kulantay Kooxda Burnley?
Kooxda Tottenham Ayaa Barbaro Kala Kulantay Kooxda Burnley?

Tottenham ayaa la kulantay barbarro niyad-jab leh kulan ay booqasho ugu tagtay Burnley oo ay ku kala baxeen 1-1, waxaana sii yaraanaysa fursadda ay Spurs u heli doonto inay kaga qayb-gasho tartamada Yurub ee xili ciyaareedka soo aaddan.

Jose Mourinho iyo kooxdiisa ayaa u degay kaalinta siddeedaad ee miiska kala-sarraynta, laakiin tababaraha reer Portugal oo dhaliilo badan loo jeedinayey ayaa waxa uu kusoo bilaabay saf adag oo uu filayey inay ka yarayn karayaan culayska, waxaanu kusoo bilaabay Dele Ali, LAmela, Ndombele, sidoo kalena waxa uu soo celiyey laacibkii dagaalka galay Arbacadii ee Dier.

Kooxda garoonkeeda joogtay ee Burnely ayaa daqiiqaddii 13aad gool uu dhaliyey Chris Wood kaga naxsatay Tottenham, waxaanay hoggaanka ciyaarta haysay illaa waqtigii nasashada ka hor intii aanu Dele Alli gool u beddelin rikoodhe qaybtii dambe loo dhigay.

Tottenham oo afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey guul-darrooyin lasoo kulmaysay ayaa garoonka Turf Moor kala soo laabatay barbarro kale oo sii quusinaya hammigii Mourinho, waxaana haddaba hoos usoo dhacaysa kalsoonisda lagu qabo macallinka reer Portugal iyadoo jamaahiirtuna qirayaan in qalad lagu eryey Mauricio Pochettino.

Haddii ay guul keeni lahayd ciyaartan, Spurs waxay ku dhowaan lahayd booska afraad ee haysato Chelsea oo ay hal dhibic ka dambayn lahayd, laakiin waxa khasaarahani sii xumaynayaa niyadda ciyaartoyga oo Salaasada u tegaya RB Leipzing oo lugta labaad ee Champions League ay Germany kula soo dheeli doonaan iyadoo waliba lugtii hore magaalada London lagu garaacay.

Marka ay kasoo laabtaan RB Leipzing, Tottenham waxay la ciyaair doonaa Manchester United Axadda toddobaadka dambe, waxaana ugu xigi doonta Manchester City oo Sabtida usbuuca xiga ay u tegi doonto.