Kooxda Tamaam Taxi Ayaa Guul Ku Soo Xidhatay Wareegii Sadexaad Tartanka La Farax Walaalkaa?

Kooxda Tamaam Taxi Ayaa Guul Ku Soo Xidhatay Wareegii Sadexaad Tartanka La Farax Walaalkaa?
Kooxda Tamaam Taxi Ayaa Guul Ku Soo Xidhatay Wareegii Sadexaad Tartanka La Farax Walaalkaa?

Kooxda Tamaam Taxi Ayaa 2-1 Uga Soo Badisay Kooxda Sagal Jet Gabilay Xili Kulankaasi Uu Soo Xidhay Wareegii Sadexaad Tartanka La Farax Walaalkaa Garoonka Dhalinta Degmada Ibraahim Koodbuur Ee Magaalada Hargeysa.

Daqiiqadii 16.aad Qaybtii Hore Ciyaarta Ayaa Kooxda Sagal Jet Gabilay Ku Hormartay Goolka Furitaanka Waxaana u Dhaliyey Maano.

Qaybta Hore Ayaa Lagu Kala Nastay 1-0 Hogaanka Ciyaarta Hayso Kooxda Sagal Jet Gabilay Ayaa Loo Gudbay Qaybtii Danbe Ciyaarta Xili Kulankan uu Dhexdhexaadiye Ka Ahaa Cabdiqaadir Ilkacase.

Daqiiqadii 41.aad Kooxda Tamaam Taxi Ayaa Keensatay Goolka Barbaraha Waxaana u Dhaliyey Jamaal Cabdilaahi.

Daqiiqadii 65.aad Xiligii Dheeriga Iyadoo Ahayd Ciyaartu Ayaa Kooxda Tamaam Taxi Heshay Goolkeeda Labaad Waxaana u Dhaliyey Xamse Cabdiqaadir.

Si Kastaba Kooxda Tamaam Taxi Ayaa 2-1 Uga Soo Badisay Kooxda Sagal Jet Gabilay Xili Kulankaasi Uu Soo Xidhay Wareegii Sadexaad Tartanka La Farax Walaalkaa Garoonka Dhalinta Degmada Ibraahim Koodbuur Ee Magaalada Hargeysa.

29-Jamadul Thaani-1441 Axad By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.