Kooxda Shacabka Ayaa Guul Weyn Ku Bilaabatay Tartanka Xili Macalinkooda Cusub Guul Ku Hogaamiyey Kooxdiisa.

Kooxda Shacabka Ayaa Guul Weyn Ku Bilaabatay Tartanka Xili Macalinkooda Cusub Guul Ku Hogaamiyey Kooxdiisa.
Kooxda Shacabka Ayaa Guul Weyn Ku Bilaabatay Tartanka Xili Macalinkooda Cusub Guul Ku Hogaamiyey Kooxdiisa.

Kooxda Shacabka Ayaa 3-0 Uga Soo Badiyey Kooxda Kaahin Fuel Tartanka La Farax Walaalkaa Garoonka Dhalinta Degmada Ibraahim Koodbuur Ee Magaalada Hargeysa.

Qaybta Hore Daqiiqadii 28.aad Kooxda Shacabka Ayaa Goolka Ku Furatay Waxaana u Dhaliyey Cabdirashiid Jaro Xili uu Laag Xoogan Ku Shubay Shabaqa Kooxda Kaahin Fueal Iyadoo Qaybta Hore Lagu Kala Nastay 1-0 Loona Gudbay Qaybtii Danbe Ciyaarta.

Daqiiqadii 36.aad Kooxda Kooxda Shacabka Waxay Dhashatay Goolkeedii Labaad Waxaana Kubad Xawaare Uu Ku Soo Kaxeeyey Cumar Aw-Geedi Gool Ku Badalay Sacad Koke.

Daqiiqadii 45.aad Kooxda Shacabka Waxay Heshay Goolkeeda Sadexaad Waxaana Kubad Caawinteeda uu Lahaa Sacad Koke Gool Xoogan Ugu Badalay Cayto Cige.

Waxaa Xusid Mudan In Kulankan Oo uu Dhexdhexaadiye Ka Ahaa Cabdi Muuse Uu Ku Bixiyey Laba Kaadh Casaan Lana Kala Siiyey Cabdi Cali Iyo Xamse Saxardiid Oo Kala Matalayey Labada Kooxood Shacabka Iyo Kaahin Fuel.

Si Kastaba Kooxda Shacabka Ayaa 3-0 Uga Soo Badiyey Kooxda Kaahin Fuel Tartanka La Farax Walaalkaa Garoonka Dhalinta Degmada Ibraahim Koodbuur Ee Magaalada Hargeysa.

03-Jamadul Thaani-1441 Salaasa By Tayo Qaran AL-Ahm├ąDi.